Xog:Agaasimaha ciidamada badda Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xasan iyo Ganacsade Jaamac Dhagadheere Oo Isku Feeray Makhaaxida Capital/Garoowe

Filed under: Important News,Wararka |

Makhaaxida kapital ee ku dhagan Hoteelka Caankaa ee Rugsan ee ku yaal Garoowe ayaa shalay waxaa uu dagaal feer ahi ku dhexmaray Agaasimaha ciidamada badda Puntland Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xasan iyo Ganacsadaha caankaa Jaamac Dhagadheere.

Labada masuul ayaa waxay kala wateen laba maleeshiyo oo hubaysan.
Kadib dagaalkii ay gacmaha iskula tageen labada masuul ayaa waxaa hallis noqotay in ay maleeshiyaadkii hubaysnaa ee kala waardiyaynayay labada masuul ay iyana xabadihii cabaystaan isla markaasna ay dadkii makhaaxida fadhiyay naftoodii hallis gasho.

Arrinkii shalay ka dhacay Makhaaxida kapitaal ayaa wuxuu u saan saan ekaa shaqaaqadii Feer iyo gacan ka hadal ee dhexmartay Taliyihii hore ee Booliska Puntland iyo Taliyihii ciidamad Birmadka oo markii ay is feereen kadib maleeshiyaadkii waardiyaynayayna ay xabad isku fureen xabadaasina ay ku wiiftay wasiirkii aminiga, markii danbana ay labada masuul ku waayeen xilkii ay hayeen.

Hadaba dad shacaba oo goobta makhaaxida Kapital fadhiyay ayaa lasoo xiriiray warbaahinta P/O si loo daabaca arrinki foosha xumaa ee shalay dhacay oo aan arrinka noocaasa loo dhayalsan

Jaamac Dhagadheere iyo Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xasa ayaa la sheegayaa in uu khilaafkoodu daaranyahay arrimo la xiriira Kontraaktiyo dawladda Puntland

2 Responses to Xog:Agaasimaha ciidamada badda Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xasan iyo Ganacsade Jaamac Dhagadheere Oo Isku Feeray Makhaaxida Capital/Garoowe

  1. Pingback: Xog:Agaasimaha ciidamada badda Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xasan iyo Ganacsade Jaamac Dhagadheere Oo Isku Feeray Makhaaxida Capital/Garoowe - Daily Somalia Report