Xog:Ciidamadii Bangiga dhexe ee Garoowe Qabsaday oo La Sheegay In Ay Koox Siyaasiyiina Ka Danbeeyeen

Filed under: Wararka |

Ciidamadii shalay la wareegay bangiga dhexe ee Puntland ee ku yaal Garoowe ayaa la sheegayaa in ay ahaayeen ciidamo ka yimid magaalada Gaalkacyo isla markaasna ay soo adeegsadeen kooxo mucaaradsan xukuumadda Madaxwayne Cabdiwali Gaas.

Ciidamadaan qabsaday Bangiga ayaa la sheegayaa in aynan cabashadoodu mushaaraad la’aan kaliya ku koobnayn balse ay gadaal ka taagnaayeen siyaasiyiin mucaaradsan xukuumadda madaxwayne Gaas.

Waxaana wararkii u danbeeyay sheegayaan in ay markii danba isaga tageen bangigii gacan ku hayntiisa ay la wareegeen.

2 Responses to Xog:Ciidamadii Bangiga dhexe ee Garoowe Qabsaday oo La Sheegay In Ay Koox Siyaasiyiina Ka Danbeeyeen

  1. Pingback: Xog:Ciidamadii Bangiga dhexe ee Garoowe Qabsaday oo La Sheegay In Ay Koox Siyaasiyiina Ka Danbeeyeen - Daily Somalia Report