Xoghayaha Arimaha bulshada ee Dallada Qurba joogta Puntland ee Finland oo Soo Gabagabeyey Kulan Ka dhacay Jarmalka

Filed under: Wararka |

Xoghayaha Arimaha bulshada ee Dallada Qurba joogta Puntland ee Finland oo Soo Gabagabeyey Kulan Ka dhacay Jarmalka

daladda Puntland finland3
Dalada ururada jaaliyadaha puntland ergay kamid ah aqoon yahan Ahna Xoghayaha Arimaha Bulshada Mudane Abdulqadir Abshir (Kadiye) ayaa booqosho shaqo u aaday dalka jarmalka. halkaas oo uu kaga qayb qaatay kulan caalami ah oo ka dhacay magalada baarliin 30.11-6.12.shirkan oo lagu macsuumay aqoon yahankan oo matalaya dalada ururada jaaliyada puntland ayaa looga hadlay sidii loo hormarin lahaa arimo farabadan oo khuseeya da’yarta soo koraysa mustaqbalkoodi,sida kor uqaadida xirfadooda shaqo,aqoontooda,caayaraha,dhaqamada kala duwan,jihaynta sidii shaqo loogu abuuri lahaa dhalinyarada iyo sidii ay wax u qabsan lahaayeen .ayaa Shalay lagu soo gabagabeeyey dalka jarmalka waxaana ka soo baxay kulankaas qodobo aad u mihiim ah oo waxtaraya dhalinyarada somaliyeed gaar ahaan dhalinyarada puntland ee ku Dhaqan wadanka Finland.
daladda Puntland finland2
Dallada waxay hiigsaneysaa sidii dhalinyarada puntland ku nool looga caawin lahaa ka hortaga tahriibka iyo waxyaabahan maanka dooriya sida jaadka iyo IWM.

daladda Puntland finland1

daladda Puntland finland

Xogtaan waxaa soo uruurshay Yaasiin Gaas Finland nisay51@hotmail.com