Xog:Shabaabkii ku jiray Buuraleyda Caalmadow oo ka baxay & Xog laga helay meelasha ay aadeen

Filed under: Important News,Wararka |

WAR DEG DEG AH OO KUSAABSAN ARGAGIXISADA BUURAHA CALMADOOW EE GALGALA XOG LA LAGA HELEY.
AKHRISO: Shabaabkii ku jiray Buuraleyda Caalmadow oo ka baxay & Xog laga helay meelasha ay aadeen.

Warar ilaa hadda ku jira xaqiijintii u dambeysay lagana helayo Buuraleyda Caalmadow & Degmooyin kamid ah gobalka Sanaag ayaa sheegaya in la arkay maleeshiyaad badan oo Argagixiso ah, kuwaas oo ka baxaya dhulka buuraleyda ee GOLIS, kuna sii jeeda dhinaca Somaliland.

Maleeshiyaadkaas ayaa wararku sheegayaan in sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay ay si dhuumaleysi ah uga baxayeen dhulka gobalada Sanaag & Haylaan, waxaana qaarkood arkay dadka reer miyiga ah.
Wararku waxay sheegayaan in xalay abaare 10:00pm fiidnimo ee xiliga geeska Africa goob u dhaw deegaanka Hadaaftinimo lagu arkay dabley lagu qiyaasay 100 qof oo hubeysan, kuwaas oo ay ka muuqato kala aqoon la’aan dhinaca dhulka ah.

Sidaas oo kale deegaanka lagu magacaabo Togga-Dhoqor oo isna ku dhaw deegaankaas, kuwaas tirro ahaan aan qiyaas laga bixin, balse watay hubka fara badan oo ay kala guureen buuralayda Golis.
Warar kale ayaa cadeynaya in baabuur lagu waday dad u muuqday ciidamo ka soo baxay Buuraleydaas ay ka gudbeen miyiga magaalada Ceerigaabo, kuwaas oo la geeyey deegaanka Beer ee gobalka Togdheer oo wax yar u jira magaalada Burco.
Beer waa halka ugu badan ee fariisinka u ah kooxaha Argagixisada ah, waxaana marar badan sidaas lagu shaaciyey warbixino Sirdoon oo la helay, gaar ahaana ay soo saareen Hay`ado Madax banaan.
Somaliland oo xukunta deegaanada ay sii mareen ama ay gaareen kooxahan Argagixisada ah, kama aysan hadlin mana jiraan wax dhaqdhaqaaq ah oo ka socda dhinacaas, iyadoo sidda hadda muuqata ay xaalado badan isbedelayaan.
Warbaahinta ayaa baaritaano dheeraad ah ku haysa dhacdooyinkan iyo Xaqiiqada ka dambeysa, waxaana saacadaha dhaw la heli doonaa Macluumaad dheeri ah.

Source Waceys Maxamuud Maxamed Ilfir Facebook