Xubnihii Al-shaaab ee maanta dilka toogashadaa lagu fuliyay oo kasoo kala jeeda Burco, Guriceel, Guriceel, Ceelbuur (Daawo)

Filed under: Wararka |

4-ta nin ee Alshaab ee maanta la toogtay ayaa kala ahaa.

1:Caawiye Axmad Jaamac 25 Jir ah ina Saynab Jaamac ku dhashay Degmada Burco ee gobolka Togdheer, kana dambeeyay Qaraxyadii mid fashilmay ee Hotelka Maka Almukarama.
2:-Mustaf Maxamuud Shidane, 22 Jir ku dhashay Guriceel, ina Canab Faarax-Waa Gacan Ku dhiigle ka tirsan Al-Shabaab oo dilay Ex Dable Marxuum Cabdi Maxamed Xuseen.
3:C/naasir Khaliif Maxamad 21 Jir ah, ku dhashay Guriceel, ina Salaado Maxamad-Waa Gacan ku dhiigle ka tirsan Al-Shabaab waxa uuna wax ka dilay Marxuum ex Dable Cabdi Maxamad Xuseen.
4:Nuur Cabdulle Cawaale 21 jir ah ku dhashay Ceelbuur-Galgaduud, ina Xaawo Cali waxa lagu soo qabtay Qori Hoobiye ah noociisu yahay 82MM iyo 3 Xabbo oo rasaastiisa ah. Waxaana Qorigaasi lagu duqayn jiray Xaafadaha Muqdisho.