Xukun Boobka Madaxda Soomaalida iyo doorka ay ku leedahay in aan dib loo hanan Qaran Soomaaliyeed iyo Hanaan maamul wanaag (Qaybta 1aad)

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

stalin
Inkastoo ay badan yihiin qodobada sababay burburkii Qarankii Soomaaaliyeed, ayaan hadana baryahaan awoodda saaraynaa in aan iftiiminno laba qodob oo muhiim ah, in la fahmo xajmiga saamaynta ay labadaan qodob ku leeyihiin in aan dib loo hanan Qaran Soomaaliyed iyo Xukun ku unkan Hanaan maamul wanaag.

Labadda Qodob ayaa kala ah

1) Madaxda Soomaalida oo booba dhamaan awooddii shacabka, taasina ay ka hor imanyso hirgalin xukun ku astaysan hannaan Dimoqraadiyeed oo ay shacabku awoodda leeyihiin.
2) Habka loo soo xulo Xildhibaanada Golaha wakiilada oo ah hab aan cadaalad ahayn ee musuqmaasuq hareeyay, taasina ay aakhirka sababto Xukuumadda iyo Madaxda ay dooortaan in aynan noqon kuwo hab cadaalad ah ugu shaqeeya shacabka, waayo “HAL XAARAANA NIRIG XALAALA MA DHASHO”

WAXAAN QORMOOYINKAAN SI KOOBAN AWOODDA UGU SAARAYAA OO KU IFTIIMINAYAA BAAXADDA AY LE’EGTAHAY SIDA AY CAQABAD UGU YIHIIN MADAXDA SOOMAALIDA IN AY DEEGAAMADA SOOMAALIDA KA HIRGALAAN MAAMUL SHACABKA U ADEEGGA.

DEMOQRAADIYAD IYO DIKTAATOORIYAD WAA LABA NIDAAM OO QAARADDA EUROPE INOOGA YIMID WIXII KA DANBEEYAY QARNIGII 17AAD (WAXAANA LABADA NIDAAM KALA KEENAY ADAM SMITH IYO KARL MAX HALAKAAN KA DAAWO).
WAXAANAD MOODDAA SHACABKA SOOMAALIDAA IN AYNAN KALA AQOON LABADAN NIDAAM SIDA AY U SHAQEEYAAN.
MARXUUM MAXAMED SIYAAD BARRE ALLE HA U NAXARIISTO WUXUU DALKA KUSOO MAAMULAY NIDAAMKII DIKTAATOORIYADDA EE KASOO FARCAMAY KARL MAX, WAXAANA KA HOR YIMID SIYAASIIN AAMINSAN IN AYNAN SAX AHAYN IN HAL RUUX DALKOO DHAN AWOODDII BOOBO.

NIDAAMKA DIKTAATOORIYADDA AWOODDA OO DHAN HAL RUUX BAA BOOBBA WAA MADAXWAYNAHA, ISAGOO AY HOOS IMAANAYAAN DHAMAAN LAAMAHA DAWLADDA QAYBAHEEDA KALA DUWAN, WALIBA DHAQAALAHA.
SI MARKA NINKA DIKTAATOORKAA AY LAAMAHA DAWLADDA OO DHAN U HOOS YIMAADAAN WUXUU MAGACAABAYAA GUDOOMIYIHII GOBOLKA, WUXUUNA HADANA MADAXWAYNUHU MAGACAABAYAA AGAASIMIHII MAALIYADA EE AY HOOS IMANAYEEN DHAMAAN DAKHLIGII GOBOLKA KA SOO XEROODAY, HADANA MADAXWAYNUHU WUXUU MAGACAABAYAA ISU DUWIHII GOBOLKA, HADANA WUXUU MAGACAABAYAA GUDOOMIHII MAXKAMADDA SARE EE GOBOLKA

NIDAAMKA DIKTAATOORIYADDA WUXUU MADAXWAYNUHU KA ILLAALINAYAA SHACABKA AWOODDA IN AY WAX DOORA KU YEESHAAN, MARKA GUDOOMIYIHII WUXUU DHEGEYSANYAA OO UU ISKA LAALUUSHAYAA MADAXWAYNAHA ISAGOON WAX QADARIN AH AAN SIINAYN SHACABKII GOBOLKA DEGENAA WAAYO WUXUU ILLAASHANAYAA MANSABKIISA, WAXAANA KASII DARAN WIXII KHARASHAADA EE GOBALKA USOO XAROODAY WAXAY HOOS YIMAADAAN AGAASIMIHII MAALIYADDA OO ISNA WAX QADARIN AH AAN U HAYN SHACABKA GOBOLKA IYO GUDOOMIHA GOBOLKA TOONA BALSE KALIYA KA BAQAYA OO ISKA LAALUUSHAYA MADAXWAYNAHA MAADAAMA UU ILLAASHANAYO MANSABKIISA, DHANKA KALENA WAXAA IYANA HOOS IMANAYA MADAXWAYNAHA DHAMAAN LAAMIHII KALE OO DHAN OO MID WALBAA UU ISKA ILLAALINAYO OO ISKA LAALUUSHAYO MADAXWAYNAHA SIDA TALIYAHA BOOLISKA, TALIYAHA CIIDAMADA DARAAWIISHTA, AGAASIMAYAASHA WASAARADAHA ADIGU HADAALIN.

NIDAAMKAAN HADABA WAA NIDAAMKII AY KU DHAQMI JIREEN MADAXDII UGU DIKTAATOORSANYD SIDA Joseph Stalin HALKAAN KA DAAWO
Waxaa wax lala yaabo ah Soomaalida oo ku doodda in ay samaysteen nidaam Dimoqraadiyadeed, hadana aan wax isbadel ah ku samayn nidmaamkii Siyaad Barre ee Diktaatooriyadda, ayay hadana Soomaalidu isku haystaan in ay isku maamulaan nidaam Demoqraadiyad ah.

waxaana xaqiiqi ah in aynan Soomaalidu 99% saas u fahansanayn in dalkooda lagu maamulo nidaamkii Joseph Stalin uu adeegsan jiray ee ugu khatarsanaa nidaam diktaatooriyad kan ugu khatarsan aduunka.

Nidaamka Joseph Stalin waxaa isticmaala oo ku dhaqma Madaxwaynaha Dawladda Soomaaliya Xassan Culusow oo boobay dhamaan awooddii shacabka, Madaxwaynaha Puntland ayaa aad u isticmaala nidaamkii Joseph Stalin, sidoo kale waxaa nidaamka Joseph Stalin isticmaala Madaxwaynaha Soomaaliland Siilaanyo, waxaa iyana isticmaala dhamaan madaxda ka arrimiya deegaanada Soomaalida.

Lasoco Qaybta 2aad.
Diyaariye Injineer Ibrahin Sh Maxamed Gablax gablax@yahoo.com

Halkaan ka eeg Qormooyinkii hore ee Ibrahin Gablax

Madaxwayne Mansabkasta magacaabaya Ma dimoqraadiyad mise Diktaatooriyad (Maqaal xal u ah Nidaam darada Soomaalida)
Baarlamaanka Puntland ma kasoo baxaa Masuuliyaddii shacabka Puntland (Maqaal Kooban)

Dib u daawo Cilmibaaristii sanad kahor uu Ibrahin Gablax ka diyaariyay (isla xisaabtanka,Bangiyada iyo Tamarta,Quutul daruuriga,GDP iyo Miisaaniyadda, Dawladwanaag )

Sidee Doorasho xalaala iyo Hogaan xalaala Puntland looga hirgalinkaraa Qaybtii 2aad (Akhri warbixin muhima)

Maxaad kala socotaa muhiimadda Miisaaniyadda iyo xiriirka ka dhexeeya Miisaaniyadda iyo GDP-ga, sidee Miisaaniyadda kor lowgu qaadi karaa

Finland dal kudayasho mudan (Warbixin kooban qaabka ay u shaqeeyaan 320 Dawlado Hoose oo madaxbanaan, 19 Gobol iyo Dawladda Dhexe) ka faa idayso.

Maxaad ka taqaanaa Xukunka Dalka oo lakala Qaybsho(Separation of powers- waa Demoqraadiyadda saxdaa) ama xukunka Dalka oo Koox ama shakhsi gacanta ugala(authoritarianism) (Akhri maqaal xiisa baddan)