Yaa Soomaliya ka hortaagan horumar iyo hanaan qarannimo (Qormadii Prof. M. X. Cali)

Filed under: Articles,Wararka |

Yaa Soomaliya ka hortaagan horumar iyo hanaan qarannimo?

Qof kasta oo waxgarad ah ama bulshada guud ahaan waxaan ka dahsooneyn xaaladda naxdinta leh ee wadanka ka jirta. Qof kasta ama maamul kasta oo isu taaga in dalkooda iyo dadkooda wanaag u horseedaan, waxaa ka horimaanaya xoogag cadow u ah wax kasta oo danta dalku jirto ka soo horjeeda. Xoogagaas ku caanbaxay burburka iyo walaahoowga wadanka ayaa ka soo horjeeda wax kasta oo danta dalku ku jirto. Waa kuwo ku baraaray ka na maaleystay burburka qaranka iyo kadeedka bulshadu ku sugantahay. Dembiile gacan ku dhiigle ahi cadowgiisu waa sharci iyo nidaam dowli ah oo xoog leh. Dagaal oogayaashi wadanka burburka u horseeday weli waxay haystaan ciidamadoodi iyo hubkoodi, waa na ka soo horjeedaan in wadanka ka hirgalo nidaam dowli ah oo ku dhisan sharci demuqaraadiyad iyo cadaalad. Kuwaasi waxay ku jiraan oo awood xoog leh ku leeyihiin qayb kasta ee ka mid ah maamulka federalka.Waxay ku amartaagleyaan xafiisyada dowladda kuwa ugu muhimsan sidamadaxtooyada, barlamaanka, wasaaradaha iyo ciidamada qaranka.

Taasu waa sababta loo colaadinayo Puntland waayo waxay ka sheyneysaa midnimada soomaliya iyo horumarka dalka iyo danta guud ee bulshada. Waxay xoojisaa jiritaanka qaranka soomaaliyeed. Puntland waxaa ka jira horumar la taaban karo iyo nidaam dowli ah oo ay bulshada Puntland dhisatay. Intaasu waxy dan u tahay guud ahaan bulshada soomaaliyeed, waxay na dhib u tahay kuwa ka faaideysta dhibaatada bulshada. Puntland waxay leedahay cadow badan oo si doqonnimo ah dhibaato iyo hagardaamo la daba taagan mar kasta. Cadowga ugu xun ee bulsho ama wadan u yeesho waa kan gudaha. Waa kan kugu dhexjira oo intaas qalalaaso iyo tafaraariq kula dhex meereysanaya bulshada. Waa walaalka ay soori qaaday oo rootigu kala qiimo badanyahay nafta walaalkiis. Waxaa muuqata in bulshada Puntland ayan muujin digtoonaan dhab ah, malaha ayaga ayaa isku maqnaa oo dhexdooda isu muuqday.

Maxaa Bulshada Reer Puntland Maanta la Gudboon?

Maanta waa maalintii hal ahaansho

Puntland waxay leedahay taariikh dheer oo qarniyaal soo jirtay. Waxaa ka jirijiray maamulo iyo ilbaxnimo soo jireen ah. Waa Degaanada Puntland halka ay diinta Islaamku ka soo gashay guud ahaan Soomaliya kun iyo laba boqol sano ka hor. Taariikhdaas dheer iyo ilbaxnimada soo jireenka ah waxay bulshadu ka dhaxashay biseyl iyo isku kalsooni. Waa Bulshu ay ku dheehanyahay dareenka wadaninimo qadarisa na karaamada qarannimo. Waxan si dhab ah u taageersanahay jiritaanka iyo qaranimada soomaaliyeed, waayo waxan u haysanaa in ay tahay mid muqadas ah oo waajib ku ah qof kasta oo soomali ah. Waxan bulshada ugu yeereynaa midnimo iyo iskaashi dhab ah. Waxa uga digeynaa in qabiilka si xun loo isticmaalo dadka walaalaha ah na la kala fogeyo. Diinteena macaani waxay na bareysaa in aan xarigga Eebe wada qabsano iyo in aan tafaraaruq ka fogaano. Suugaanta soomaliyeed waxay na bareysaa in gacmo badani guuli ku jirto. Midnimo ayaa nabad iyo horumar dhaqan dhaqaale karaamo qarannimo noo horseedi karta.

Go’aanka Puntland ay kaga soo horjoogsatay arinta nidaamka doorasho ee 4.5 waa mid loo dhanyahay oo bulshada iyo dowladdu ba ay si mideysan u wada gaareen. Qurbajoogtada reer Puntland waxay si wadajir ah codkooda u soo tebiyeen ay ku taageerayaan go’aanka wadaninimo ay Puntland si wadajir ah u qaadatay. Hadaba doladda iyo bulshada waxaa manta la gudboon in ay u tabaabusheystaan sidii marxaladdan adag looga gudbilahaa oo qorshe habeysan iyo talo si wacan loo ruugay loogu dejin lahaa mustaqbilka dadka iyo dalka. Qof kasta oo waxgarad ah waa u muuqataa xaaladda soo foodsaartay bulshada Puntland, hadaba waxaa loo baahanyahay in si wadajir ah loogu tabaabusheysto mustaqbilka qof kastaan uu guto xilka ka saran dadka iyo dalka. Haddii kheyraadka dalka iyo tayada iyo tirada bulshada la is waafajiyo Puntland waa ka gudbi kartaa marxalad kasta oo adag. Puntland Xamar waa ka maarmi kartaa inta kooxda xukunka ku habsatay ay ku amartaagleyneyso wadanka, waayo hagardaamo mooyee, halkaas dan soomaaliyeed iyo mid qarannimo ma lagu hayo.

Waxa muuqata in Puntland ay soo foodsaaratay xaalad cusub

Taariikhdu waxay na bareysaa in marar badan ay xaalado adag ay soo foodsaartay Puntland, waxay na uga gudubtay si wacan oo karti iyo hufnaan leh, taas oo u horseeday guul iyo horumar la taaban karo. Waxan hubaa in ay reer Puntland uga gudbikaraan marxalad kasta sida ugu haboon ayaga oo la kaashanaya ilbaxnimada iyo waayoaragnimadooda soo jireen ka ah oo ay ku soo caano maaleen qarniyaal. Waxaa laga sugayaa dhammaan inta hogaanka u haysa bulshada sida dowladda, madax-dhaqameedka, culumada, aqoonyahanda, ururada bulshada sida dumarka iyo dhalinyarada, ganacsatada iyo qurbajoogtada in ay muujiyaan midnimo dhab ah, iskaashi iyo talo dhaxalgal ah oo ay bulshadu u riyaaqdo. Waxan guud ahaan bulshada ugu yeereynaa in ay taageerto madaxdooda xilka saaranyahay, hiil iyo hoo na u fidiya horumarka dalka.

Prof. M. X. Cali