Yusuf Garaad Oo Qormo Gaaban ka Diyaariyay Xigmaddii Ku Saabsanayd Siyaadda ee Cabdi Muxumud: Siyaasaddu qabiil didaya oo dooxataa maaha

Filed under: Important News,Wararka |

cabdi muxumed amiin
Yusuf Garaad ayaa Boggiisa ku faafiyay qormo aad u xikmad badan oo ka tarjumaysa xaaladda siyaasadeed ee Soomaalida Gaar ahaan xaaladda siyaasiyiinta magaalada Muqdisho, hadaba akhri qormadaas.

Cabdi Muxumed Amiin oo ahaa mufakir, hal abuur, bulsho kiciye, jilaa iyo jabhad ayaa hadda ka hor gabay dheer oo uu tiriyay waxaa ka mid ahaa qeyb uu ku kala caddeynayo waxa aanay siyaasaddu ahayn iyo waxa ay tahay.

AUN Cabdi Musumed waxaan ku qiyaasay in uu gabaygan aan qaar ka soo qaatay uu tiriyay horraantii sagaashanaadkii.

Wuxuu yiri:

Dab munaafaq shiday wuxuu gubaa cido ka dimmoone
Badawnimo jidkey kaa duwdaa oo duur ku marisaaye
Waxay kaa dabooshaa indhaha oo wey ku dilataaye
Dariiq oodan bey kuu tustaa dow haloosiyahe
Goortaan derbiga taabannaan dib u riyoonnaaye

Siyaasaddu dagaal keliya iyo daabbad wado maaha
Siyaasaddu qabiil didaya oo dooxataa maaha
Siyaasadu dakana leysu qabay dabaggalkeed maaha
Siyaasaddu ris doofaar ka kacay daaqso ido maaha
Siyaasadu dareenkoo lumiyo dowdarnimo maaha
Bililiqo in aad doonatiyo dumarka boob maaha
Dadka oo la liidiyo adoo door isbida maaha
Dabarkoo la goostiyo sidii duunyo carar maaha
Tuug derejo in uu yeesho oon deysannaa maaha
Qabiil waa wax dumiyee in uu nala degaa maaha
Dadnimadu in Qarankeen dumo oon cidi daneyn maaha

Waa dabacsanaan iyo waxgarad lagu dareeraaye
Danta gaara oo laga tagiyo iyo daacadnimo weeye
Soomaalinnimo loo dabcoo leysku dumo weeye
Taan dunida eegno oo masayr uu na dilo weeye
In aan dowlad noqonno oon wax kale cidi daneyn weeye
Dhaqaalaha dalkoo loola kaco dowga mudan weeye
Dibad raashin laga keenayoo idilba diid weeye
Dalaggaaga beeroo cuntada soo daldalo weeye

Haddii kale dadnimadeen luntaye duugga bal aan eegno.

Cabdi Muxumed Amiin (Marxuum) Heesihiisii iyo Taariikhdiisii waa Fanaanka Puntlandobserver maanta idiin soo xushay

2 Responses to Yusuf Garaad Oo Qormo Gaaban ka Diyaariyay Xigmaddii Ku Saabsanayd Siyaadda ee Cabdi Muxumud: Siyaasaddu qabiil didaya oo dooxataa maaha

  1. Pingback: Yusuf Garaad Oo Qormo Gaaban ka Diyaariyay Xigmaddii Ku Saabsanayd Siyaadda ee Cabdi Muxumud: Siyaasaddu qabiil didaya oo dooxataa maaha - Daily Somalia Report

  2. Pingback: Xalka Dagaalada Sanaag Iyo hayland (Qormo gaaban) | Puntland Observer