Yusuf Garaad:Dadka Mudug wey isla noolaayen weligood laakiin waxa soohdin qabiil dhex dhigay oo kala shakiga abuuray waa wax dhacay taariikhda dhow ee Soomaaliya. Soohdin dadkii dhigtay ayaa iyaga oo isaga raalli ah wadajir u qaadi kara marka shakigu ka baxo. Laakiin hal dhinac keligiis ma qaadi karo xataa haddii ay ka dhab tahay

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay Cadaado uga qeyb galay caleema saarka Cabdikariin Xuseen Guuleed oo bishaan July horraanteedii loo doortay Madaxweynaha GalMudug.

Qormadaan kooban waxaan ku iftiiminayaa dhowr caqabadood oo mid kastaa ay wiiqi karto maamulka muluqa ah ee GalMudug, haddaanuu uba dhiman. Caqabadaha aan soo bandhigi doono waa kuwa xagga siyaasadda iyo amniga oo keliya. Aakhirkana waxaan soo bandhigi doonaa dhinac iigu muuqda in sida uu ula dhaqmo Cabdikariin Xuseen Guuleed ay saameyn ku yeelan karto hirgelidda maamulka hadda la unkay
Qoonsiga Puntland

Curinta Galmudug waxay shaki ku abuurtay deriskeeda woqooyi, Puntland, oo sheegtay in aanay go’aankii Cadaado u aqoonsanayn dowlad Goboleed. Puntland waxaa carada ka keenaya in ay GalMudug u aragto in ay sheeganeyso Mudug oo dhan, oo uu ku jiro Mudug dhinaceeda woqooyi oo ka tirsan Puntland. Xeel iyo xoog mid ay noqotabana ay GalMudug damacsan tahay in Gobolku uu gacanteeda soo wada galo.

qoonsi iyo is tixgelin waa wax wanaagsan in la helo, la’aantoodse looma dhinto. Si aan loo dhiman ugu yaraan waa in la kala nabad galaa.

Si nabadda labada dhinac ka jirta loogu negaado looguna daaqo, waxay ila tahay in ay lagama maarmaan tahay in GalMudug ay si aan mugdi ku jirin u caddeyso in soohdintu ay hadda qabiil tahay oo lagu sugayo xal aan xabbad ahayn oo mustaqbalka looga gudbo soohdinta qabiilka.

Dadka Mudug wey isla noolaayen weligood laakiin waxa soohdin qabiil dhex dhigay oo kala shakiga abuuray waa wax dhacay taariikhda dhow ee Soomaaliya. Soohdin dadkii dhigtay ayaa iyaga oo isaga raalli ah wadajir u qaadi kara marka shakigu ka baxo. Laakiin hal dhinac keligiis ma qaadi karo xataa haddii ay ka dhab tahay in iyaga uu shakigii ka baxay. Shakigu in uu kaa baxay waa in aad ficil ku caddeysaa, waxaase ka sii muhiimsan in lagaa rumeysto.

Waa in GalMudug caddeysaa marnabana in aanay jiri doonin maamul aanay raalli ka ahayn, waxna ka dhisin in la isku dayo in beesha deriska ah lagu khasbo.

Xaqiiqadu waxay tahay in aanay jirin cid awoodda in ay labada dhinac ee Mudug khasab isugu darto.

Garowshiyo doonka ASWJ

Degaanno badan oo Gobolka Galguduud ka tirsan waxaa gacanta ku haya ciidanka Ahlu Sunna oo aan aqoonsanayn natiijada shirka Cadaado. Taas ayaa u sabab ah in Madaxweyne Goboleedka lagu caleemo saaro isla magaaladii lagu doortay saddex usbuuc ka hor.

Ahlu Sunna, waxay in muddo ah ka dagaallamaysay Gobolka oo ay Shabaab ka hor taagnayd, iyada oo rag badan oo GalMudug ka tirsan aan wax colaad ahi kala dhaxeyn Shabaab kuna noolaayeen dhul Shabaab ka taliyo. Hadda hubka kuma dhigi doonaan annaga ayaa nala doortay ee kala taga.

Ahlu Sunna waxay isu aragtaa in wixii ay ayaga la ahayd in ay mudnaayeen aanay ka helin qeybta meesha ka dhacday. Si kastaba ha ahaatee, Maamulka cusub ayaa looga baahan yahay in uu xal ka gaaro dudidda Ahlu Sunna oo ay dadka qaar tuhunsan yihiin in ay si uun ugu daaban tahay Dowladda aan deriska nahay ee Ethiopia oo ah qodobkeyga kan xiga.

Gacmaha Ethiopia

Gobolka waxaa qeybo ka mid ah ku sugan Ciidanka Ethiopia oo ka tirsan ciidanka AMISOM. In badan ayaa aamminsan in ay Ethiopia isku daaban yihiin Ahlu Sunna. Waa dhinac kale oo u baahan macaamil iyo isfaham. Waana dhinac fududeyn kara isfahamka Ahlu Sunna ama cusleyn kara.

Al Shabaab

Intaasi haddii ay kula tahay howl adag, waxaa wehliya al Shabaab oo ku sugan degaanno ka tirsan GalGuduud Bari iyo Galguduud koofureed, gaarsiisanna ilaa Mudug Bari. Waa lagama maarmaan in GalMudug ay la timaaddo xeel iyo xoog sidii ay maamulkeeda ku gaarsiin lahayd Gobolka oo dhan.

Hooska Federaalka

Arrinta kale ee hortaalla GalMudug waa arrin uu si uga dhawaajiyay Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas, mar uu durayay shirka Cadaado. Wuxuu ku tilmaamay in dadka Cadaado ku shiray ay yihiin dad Muqdisho dayaarado looga soo daad gureeyay.

Taa anigu caddeyn uma hayo, laakiin waxaa ii muuqata mid ka khatarsan. Waxay halis iiga muuqataa in dano qabiil iyo dano siyaasadeed ama degaan dartood ay GalMudug iyo Madaxdeedu ay halis u yihiin in ay ku milmaan, amaba way ku milan yihiine ay ku guuleysan waayaan in ay gooni ka noqdaan, Dowladda Federaalka iyo welidba sidoo kale caasimadda dalka.

Taas ulama jeedo in ay Dowladda Federaalka Cadow ka yeeshaan iyo in haddii ay dhacdo in sida ay rabaan ay ka waayaan ay ku hanjabaan in ay xiriirka u jarayaan.

Waa loo baahan yahay in Dowlad Goboleedku ay xiriir wanaagsan la leedahay Dowladda Federaalka, maanta iyo berriba, laakiin haddana ma ahan in la kala aqoon waayo Xukuumadda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka – xag howlwadeen, xag ra’yi, xag dan iyo xag Xarun.

Ma aha in xiriirrada ay Dowlad Goboleedkani la lahaaneyso Dowladaha Gobollada kale iyo hey’adaha caalamiga ah ee dalka ka howlgalaa in uu ahaado hummaagga xiriirka Federaalku la leeyahay dhinacyadaas.

Si kale haddii loo dhigo, GalMudug ma ahan in ay u shaqeyso sida Wasaarad ka mid ah Wasaaradaha Federaalka.

Waxaan arkayay Xildhibaanno ka tirsan GalMudug oo Muqdisho seminar loogu qabtay iyo qaar casho la qaatay Madaxweynaha. Hore uma arag Dowlad Goboleed kale oo Baarlamaankeeda Xamar seminar loogu qabtay iyo ayaga oo Villa Soomaaliya lagu casumay.

Midda kale, marka Xildhibaannada GalMudug ay Muqdisho mushaaxayaan waxaa dayacan howshii markii horeba iyada oo aan cidi ku khasbin ay u xusul duubeen in ay qaban yaqaanniin, rabaanna in ay qabtaan. Taas waxaan rajeynayaa in aanay ku ekeyn doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka iyo maalmaha munaasabadaha ee Xamar madaxda ka tegeysa ay hore u sii raacaan.

Middi laba Af leh

Intaas oo dhan marka laga soo tago, GalMudug, waxay haysataa fursad aad u fiican. Laakiin waa haddii xoogagga siyaadeed iyo kuwa dhaqaale ee Gobolku ay kala gartaan waxa uu yahay tartan siyaasadeed iyo kooxeysi oo dhinac ah iyo Danta Gobolka oo qeyb ka ah danta Guud ee dalka.

Si kale haddii aan u dhigo, laba kooxood oo ay Geedfadhi u yihiin kooxo diimeed, ganacsato dalka gudihiisa, deriskiisa iyo dibadda fogba fadhiya, Xildhibaanno iyo Wasiirro Federaal ah oo ku kala daaban ayaa doorashada isku herdiyay. Wareeggii kowaadna isku barbardhacay. Doorashadii wey dhammaatay, in hardanka heer Gobol uu intaa ku dhammaado iyo in ay isku aakhiro seegaan, waxaa farsamdeeda laga rabaa kooxda Guuleysatay.

Guusha Doorasho laga soo hooyaa waa billowga siyaasadda ee ma ahan dhammaadkeeda. Sababta oo ah kooxda Guuleysatay way u baahan tahay in ay gacan ka hesho kooxda ay ka guuleysatay.

Kooxda laga guuleystay iskama tegi doonto. Dowlad Goboleedka ayay la shaqeeyn doontaa, haddii ay Dowlad Goboleedku diiddo ama garan weydana iyada ayay ka shaqeyn doontaa.

F. G.

Adiga oo ku mahadsan in aad qormadan wada akhrisay, waxaan kaa codsanayaa in aragtidaada oo oo aan xanaf lahayn aad ku soo bandhigto isla boggan qeybtiisa hoose.yussuf-garaad

2 Responses to Yusuf Garaad:Dadka Mudug wey isla noolaayen weligood laakiin waxa soohdin qabiil dhex dhigay oo kala shakiga abuuray waa wax dhacay taariikhda dhow ee Soomaaliya. Soohdin dadkii dhigtay ayaa iyaga oo isaga raalli ah wadajir u qaadi kara marka shakigu ka baxo. Laakiin hal dhinac keligiis ma qaadi karo xataa haddii ay ka dhab tahay