100-ka Gantaal Ee Tomahawk missiles ee Maraykanku Syria Ku Garaacay Oo Halkii Xabo Uu Joogo 830 kun$ Lacag Hal Million$ U Dhaw (Fallanqayn)

Filed under: Important News,Wararka |

Tomahawk missiles
Maraykanka, Ingiriiska iyo faransiiska ayaa go’aansaday in ay weeraraan xukuumadda Asad ee Syria kadib markii lagu eedeeiyay in ay wiiggii hore sun ku biifiyeen dad shacaba.

Ruushka ayaa soo riday qaybo kamida gantaalada Tomahawk missiles ee ay isbahaysigu ku tuureen Syria.
halkii Tomahawk missiles ayaa jooga, 830 000$ ama 8 boqol iyo 30 kun oo dolar oo haddii boqol xabo lagu tuuro Syria ay ka dhigan tahay qiimahoodu 820 million$.

Ruushka ayaa haysta gantaalada s-400 oo awooda in ay soo ridaan gantaalada ay isbahaysigu soo tuurayaan, balse halkii xabo ee Tomahawk missiles waxaa loo baahanayahay in looga hortago laba gantaal s-400 oo kuwa ruushka ah oo iyana kaba qaalisan Tomahawk missiles, taasi oo ka dhigan waa in uu Ruushkuna ku qarash gareeyo wax ka badan 100 million$.

Waxaanad mooddaa in dhankaas Ruushka looga badiyay maadaama laga dhaqaale badanyahay.