Abwaan Reer Puntland Ah Madaxwayne Gaas Dhaliilihiisa Aan Xabadna Ka Tagin, Uguna Baaqay In Uunan Marlabaad Isasoo Sharaxin

Filed under: Important News,Wararka |

Qofkasta wuxuu leeyahay wanaag iyo xumaan.
Abwaanka ayaan midna ka tagin arrimaha lagu xanto Xukuumadda Madaxwayne Gaas ama dhaliilaha xukuumadda Gaas marka goobaha fadhikudirirka la fadhiyo.

Waxaana runtii jira arrimo badan oo wanaaga oo xukuumadda Gaas ay lahayd hase yeeshee uunan abwaanku midh kasoo hadal qaadin.

Isku soo duub bil xaqiiqiyan Madaxwayne Cabdiwali isaga arrimaha lagu tuhmayay oo laga filayay ayaa aad u baaxad waynaa, maadaama uu ahaa nin dhalyiro ah oo aqoon yahana.
Dhaliisha ugu baaxadda wayn waxay ahayd dhanka xulasho la’aanta dadka dadka aaminka iyo aqoonta lagu tuhmo.

Dad badan ayaa goobaha fadhi ku dirirka Madaxwayne Gaas ku dhaliila in uunan xulan dadka ugu habboon in hay’adaha dawladda loo dhiibo, iyo dadka la taliyaasha u noqonaya, maadaama meeshaan laga hadlayo dan guud ee aan loo danaynayn ruux shakhsiya xitaa madaxwaynaha.

Waxaa laga hadlayaa danta guud ee reer Puntland iyo tan Soomaaliba, ee laga hadli maayo hebel.

Waxaa kaloo xildhibaanada baarlamaanka lagu xantaa qaar ku shaqeeya dollar.

Abwaanka ayaa leh, haddii Madaxwayne Gaas iyo Xildhibaanada hadda joogta ay soo noqdaan in ay khatarteeda yeelan doonto in dalku burburo.

Dhanka kale.
Abwaanka ayaa yiri cid oran karta waa kalkayagii ma jirto, taasi oo uu ula jeedo waxaan raadinaynaa ruux karti leh, oo illaahay haybad gooniya iyo daacadnimo iyo aaminimo siiyay ee raadin mayno reerka uu kasoo jeedo.

Abwaanka ayaan marna ka hadal wanaaggii faraha badnaa iyo guulihii xukuumadda Madaxwayne Gaas, taasi oo la rabay in uu raaciyo, waayo cadaaladdu halkaasay ka billaabataa, oo waxaa la rabaa waxa aad gacanta ku haysid in aad ka cadaalad fashid, oo haddii aad maanso tirinayso in aad cadaaladda ka sheegto.

Dhibka ugu wayn ee hadda ka jira waa mushaarkii ciidamada oo muddo 7 billood qaarkood wax mushaara la siin, qaarna muddo 5 billood.
Wuxuu kaloo abwaanku ka hadlay,

2 Responses to Abwaan Reer Puntland Ah Madaxwayne Gaas Dhaliilihiisa Aan Xabadna Ka Tagin, Uguna Baaqay In Uunan Marlabaad Isasoo Sharaxin