Akhriso Website-yada Soomaalida Oo Sii Saadaaliyay In Jawaari Ay Khayre Iyo Fahad Yaasiin Ku Badelan Doonaan Maxamed Mursal Sheekh (dhegeyso gabaygii Musuqmaasuq Soomaali Waa meheradeediiye 100 sano ka hor waxaa tiriyay Boqor kaynadiid)

Filed under: Important News,Wararka |


Soomaalida oo waxwalba sii saadaaliya ayaa horay u sheegay in ay Fahad Yaasiin iyo Khayre Jawaari ku badelan doonnaan Maxamed Mursal Sheekh.
Website-ka shaaciye ayaa 9.4.2018 daabacay qoraal lagu sheegay in jawaari lagu badeli doono rag uu ka midyahay Maxamed Mursal Sheekh oo ay wataan Khayre iyo fahad yaasiin.

Halkaan ka eeg qoraalkaas.

1: Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Sheekh Aadan ayaa Musharaxa Gudoomiyaha Golaha Shacabka u wata Xuseen Maxamuud Shiikh Xuseen (Badni) oo udhashay Digil & Mirifle jufada , Dabare isaga oo dhankale u balan qaaday in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu ka dhigi doono shaqsiyaad kale.
2:  Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo Fahad Yaasin ayaa dhankooda wata sedax Musharax una taagan qabashada Gudoomiyaha Baarlamaanka waxayna kala yahiin Xaaji Cali Sheekh Maxamed Nuur oo haatan ah Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha una dhashay Digil & Mirifle  , ninka labaad waa Wasiirka Gaashandhiga Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman una dhashay Digil & Mirifle jufada , Luwaay??????, sidoo kalane katirsan kooxda Alla Sheekh ee Madaxweynahii Hore Dowladda KMG Sheekh Shariif Halka shaqsiga sedaxaad u yahay Maxamuud Macalin Yaxye oo katirsan Kooxda Damjadiid balse horey loogu diiday Wasiirka Awqaafta & Arrimaha diinta.
3: Faarax Sheekh Cabdullqaadir oo kamid ah Hogganka Sare Kooxda Damjadiid ayaa wata Musharax shariif Maxamed Cabdalla  oo una dhashay Digil & Mirifle jufada , Asharaaf oo kamid ah kooxda AL Islaax horayna isku xisbi u ahaayeen balse isku qabteen doorashadii 2012 oo aay soo kala sharaxdeen Cabdiraxman Baadiyoow iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu danbeyn xiligaas noqday Madaxweynahii haatan lagu badalay Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Faarax  Sheekh Cabdulqaadir ayaa raba in hadii shaqsigaasi ku guuleesto Gudoomiyaha Baarlamaanka in Mooshin xilka loogu tuuro Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sidaasna ku taageerayo maadama is fahan uu dhex maray.
Maalinta berito waxaay u baddan tahay sida muuqata in Gudoomiye Jawaari is casilo ama Mooshin Xilka loogu qaadi doono maadama Kooxo baddan isku biirsadeen dhanka kale waxaa Mooshinka ka soo horjeestay Sheekh Aadan Madoobe oo ogaaday in shaqsiyaad kale loo wado Gudoomiyaha Baarlamaanka balse waxaa la sheegay in aay ka go,an tahay in uu isku sharaxo Xilka Gudoomiyaha Golaha shacabka.
Sidoo kale Waxaa jiro Musharax taagero badan ku dhex leh Baarlamaanka Fedaraalka Somalia, balse qofna aay wadan waa Xildhibaan Ibrahim Isaaq Yarow, oo ka tirsan Baarlamanka Federaalka Ee Somalia isla markaana ah Wasiir Ku xigeenka wasaaradda Boostadda iyo Isgaarsiinta Soomaaliya oo la xaqeejiyay in uu isku  sharaxi doono Gudoomiyaha Golaha shacabka.
source: http://www.shaaciye.org/2018/04/09/yaa lagu wadaa in awaari-lagu-badalo

One Response to Akhriso Website-yada Soomaalida Oo Sii Saadaaliyay In Jawaari Ay Khayre Iyo Fahad Yaasiin Ku Badelan Doonaan Maxamed Mursal Sheekh (dhegeyso gabaygii Musuqmaasuq Soomaali Waa meheradeediiye 100 sano ka hor waxaa tiriyay Boqor kaynadiid)