Gabadh Soomaaliya Oo Kunool Iceland Oo Soomaalida Uga Sheekaynaysa In Dalka Iceland Uu Dhaqaalaha ka Helo Kaluunka Balse Ka Yaaban Sababta Soomaalidu Badeeda Uga Faa-iidaysan La’dahay(fallanqayn kooban)

Filed under: Important News,Wararka |

somali see
Gabadhan Soomaalidaa oo malaha ka shaqaysa warshadaha kaluunka farsameeya ee Iceland ayaa waxay is waydiisaa adigoo Gabadh Soomaaliya oo Illaahay Soomaali siiyay badda dunida ugu qanisan in aad ka shaqayso kaluunka badda Iceland ee muddo 7 billood baraf ah.
Gabadhan yar waa fariid maansha allaah, waxaynan ogayn in badda Soomaaliya qolooyinkale ka kaluumaysanayeen mudadii soomaalidu dagaalada sokeeye ku jirtay.
Waxaadna moodda in gacmahaas shisheeye aynan ogalayn in Soomaalida kaluunka laga iibsado oo ay dhadhamiyaan macaanka faa-iidada ka ganacsiga kaluunka, balse waxaaba kaluunka laga iibsadaa, Hindi, Indhayar, Yemen, Iran, oo xoogaaga kaluunkaa ee Soomaalidu soo dabtaan waxaa Soomaalida ka iibsada Yemen iyo eeshiyaan oo qiima jaban kaga iibsada.
Inkastoo Soomaaliya dhibka ka socda aan ku sababno in aynan Soomaalidu nimcada faraha badan ee illaahay siiyay aynan illaahay uga mahad-celin balse taa badalkeeda ay dhiig iska daadiyeen oo is dulmiyeen, waliba ugaadhii masaakinta ahayd iyo beelihii laga tirada badnaa la dulmiyay sida beesha gabooye iyo Jareer wayn oo la yiri yaan gabdhahooda la guursan, gabdhaha beelaha kalena yaan la siin wiilasha beelaha laga tirada badan yahay.