Gen Morgan Ma Musharaxbaa??.

Filed under: Important News,Wararka |

Waxaa magaalada boosaaso maalintii shalay soo gaaray Gen Maxamed Siciid Morgan oo kamid ahaa saraakiishii xukuumaddii Marxuum Maxamed Siyaad Barre iyo hogaamiye kooxeedkii Gobalada koonfureed ku halgamayay xiliyadii dagaaladii sokeeye.

Hadaba maxaa ka jira in Morgan yahay Musharax u taagan jagada Madaxwayne Puntland.
Illaahay mahaddi maanta waxaad mooddaa wacyiga iyo garaadka soomaalidu in uu soo kobcayo oo uu ku socdo halkii la rabay, waana wax alle subxaanu qaadir lowgu mahadidyo.
Hase yeeshee, xiligaan ma ahan xili ay Soomaali jagada ugu saraysa u dhiibanayaan nin askariya, oo xiligii askarnimada waa soo idlaaday.
-Waxaa lagu jiraa xiligii afkaarta, iyo horumarka.

Si kasta ha ahaato, Gen Morgan waa nin muwaadin Soomaaliyeed dastuurka ayaana qoraya in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed isku soo taagi karo jagada ugu saraysa.
Dhanka hogaamiye kooxeedyadii iyo askartii siyaad barre lasoo shaqaysay hanaankii lagula xisaabtami lahaa, ma ahan mid ay wali Soomaali ka wada hadashay, haddii la is cafin lahaa.
Hadaaad maqasho dagaal ooge, ma ahan hal shakhsi, oo waa umadda oo dhan, oo illaahay amarki shacabku hadday horumar iyo cadaalad doonayaan waxay hogaamiye ka dhigtaan ninka ay isleeyihiin waa ugu cadaalad badanyahay, ama ugu badiyaa maamul wanaagga iyo horumarka, laakiin haddii ay shacabkaas xiise u qabaan dulmi iyo musuqmaasuq waxay hogaamiye ka dhigtaan ninka ugu badiya.

Marka hogaamiye kooxeed ma ahan hal ruux, ee waa shacabka.
-Xaaladda maanta lagu jiro ninkii isle adoo soomaaliya ayaad xabad cid kaga guulaysan kartaa, wuxuu jafayaa wado qaldan, waayo xabadda waxaa haysta dadka dunida maamula oo siiya xabadda kuwa ay isleeyihiin markasta waa kuwa dulmiga wada oo ay danahooda ka arkaan.

Si kastaba ha ahaato, runtii dadka Morgan sida hoose u yaqaan waxay sheegeen in uu yahay nin fiican oo aan dhib badnayn oo waliba jecel in uu dadka wax siiyo, ee marna wuxuu ka mid ahaa taageerayaashii Siyaad Barre, marna wuxuu difaacayay beesha uu kasoo jeedo.
Hase yeeshee xilligan ma ahan xili Soomaali nin askariya hogaamiye ka dhiganayso, waa xili cadaalad iyo afkaar ninka lagu tuhmayo hogaamiye loo doonayo.