Kenya Oo Dayax Gacmeed Hawada U Dirtay, Intii Soomaali Ku Mashquul Sanayd Caadifad Iyo Xasad (Fallanqayn Kooban)

Filed under: Important News,Wararka |

Waxaan PUntlandobserver muddo 6 sino ah ku daabacaynay qoraalo farabadan oo la xiriira in ay Soomaali meel iska dhigaan ka shaqaynta xasarad.
Halkaan ka eeg Qoraalo kooban oo aan tusaale ugu soo qaadanay dalalka Sweden iyo Cumaan

Si umadi ay dadkooda u horumariyaan, waxay u baahanyihiin nidaam dawladeed oo lagu hago aqoon iyo ilbaxnimo gaamurtay (xadaarad).
Si xadaarad loo gaaro waxaa bundhig u ah nabad.

Kenya waxay ciyaartaa fikrad wanaagsan oo ma jiro hal dal oo ay kenya col la tahay, oo Kenya dunida oo dhan xiriir wanaagsan bay la leedahay, oo xitaa dhag jalaq uma siiso marka uu maraykanku yiraahdo dal hebel cunaqabatayn ha la saaro, tusaale Kenya xiriir wanaagsan bay la leedahay Iran, halkaan ka eeg xiriirka Kenya iyo Iran

Dhanka kale xiriirka Kenya iyo Isreal isagu waa mid aad u baaxad wayn.

Waana sababtaas sababta Kenya ay maanta u hiigsatay in ay dayax gamceed hawada u dirto.

Soomaaliduna waxayba shaqo ka dhigteen ka shaqaynta Xasarad iyo dagaal.

Waxaase cajiiba, Soomaalidu waa dad muslima, oo diinta muslimka qofka haysta ee illaahayna ka sugaya abaal marinta jano, waa in uu yahay qof naxariis badan oo u naxariista dhamaan noolaha illaahay abuuray.

Haddii ay Soomaalidu tijaabiyaan 10 sano oo islaax iyo nabad ka shaqayna, waxay Soomaaliya si fudud uga mid noqon lahayd dalalka caalamka ugu mudan in lasoo bookhdo, laguna daydo.

Fadlan qof walba oo Soomaaliya arrinkaas ka shaqayntiisa awoodda ha isugu geeyo.
1) Soomaalida waxaa la rabaa in uunan jirrin hal dal oo cadaw noo ah.
2) Waxaa la rabaa in Soomaalidu soo dhweeyaan oo wanaajiyaan dhamaan qowmiyadaha dunida nagula nool.
3) Markii uu hadafkayagu yahay in aan wanaajino qowmiyadaha kale ee dunida nagula nool, markaas waa dareemi kartaa qofkii Soomaaliga ahaa wuxuu noqonayaa walaalkaa, waayo meesha aad indhaha ku eegaysid waa qowmiyadaha dunida nagula nool, taasina waxay sahlaysaa in aadan qabyaaladayn ruuxii muslimka ahaa ee Soomaaliga ahaa ee walaalkaa ahaa, waxaa kaloo kuu fuduaanaya in aad illaahay ku xirnaatid oo joogtaysid caabudida alle, illeen khaa-in ma tihide, balse ruuxa dulmiga badan oo hadana doonayaa in uu illaahay ku xirnaado waa ruux waalan, waayo illaahay ma jecla ruuxa wax dulmiya.

Laakiin haddii aad illowdo qowmiyadihii kale ee dunida nagula noolaa, oo aad ku mashquusho, walaalkaa Soomaali waa dhibaato iyo maahmaahdii, doqontu 100 indhood bay leedahay, 99 kamida xigtadeeda ayay ku eegtaa, shisheeyaheedana hal mid bay ku eegtaa.

Puntlandobserver desk