Madaxwaynayaasha Puntland in ay maamuus iyo qadarin helaan Markii xiligoodu dhamaadaa waa Muhim (Akhri)

Filed under: Wararka |

faroole-cade.
Sidda Caalamkaba lagu yaqaan ruuxa Madaxwayne kanoqda wadan wuxuu noqdaa ruux xambaarsan Magaca ummadda, marka la arkana waxaa markiiba la xasuustaa dalkii uu Madaxwaynaha kasoo noqday.

Dalalka horumaray Madaxwaynuhu markuu jagadda kadago waxaa loo sameeyaa maamuus Gooniya, waxaana markiiba loodhiibaa Mashariic balaaran oo aan u dhigma mashruucii Madaxwaynaha, waxaana lasiiyaa guri Filo ah, iyo Mushaar joogta ah.

Go’aankii ay Baarlamaanku ku ansixiyeen in Madaxwaynaha iyo Kuxigeenka markii xiligoodu dhamaado loosameeyo Maamuusaad iyo Mushaarooyin joogta ah, waa Go-aan aad u saxsan waana go-aan ku haboon in lagu taageero.

Waxayna ahayd markii ay jagadda kadageen Madaxwayne Cade Muuse iyo kuxiheenkiisa alla ha u naxariisto Xasan Daahir Maxamuud (Afqurac), in maamuus noocaasa loosameeyo.

Madaxwayne kasta oo aduunka soomara waxaa laga dhaxlaa wanaag iyo dhib labadaba, laakiin maadaama uu leeyahay khibrad uu kusoo waayo arkay intii uu taladda hayay waxaa haboon in khibradiisa laga faa iidaysto, loona cafiyo wixii khaladaada oo kabaxsaday intii uu xukunka hayay.

Dalalka horumarka gaaray waa ay iskala xisaabtamaan ruuxa ay u dhiibanayaan hogaanka dalka waxayna daba dhigtaan saxaafad shacabka u adeegta, hadii khadif yar uu sameeyana waxay markiiba ku khasbaan in uu iscasilo oo jagadda baneeyo, waxaana tusaale fiicana.

Kilinton gabadhii uu iljabiayay wixii karaacay waa la ogaa, ama Balaskooni Gabadhii uu shukaansaday waatii 7 sano loo xiray, laakiin Afrika ma aynan gaarin heerkii ay kula xisaabtami lahaayeen shakhsiga ay Hogaanka u dhiibtaan waayo markiiba Beeshiisaa difaacaysa hadii lala xisaabtamo, marka inta shacabka Afrika ay ka bislaanayaan hadda waa in ay waxwalba liqaan, oo waxwalba ku xeeriyaan qaabka ugu haboon ee xal lowgu helikaro.

Puntlandobserver.com