Prof Cabdi Ismaaciil Smatar Oo Jaamacaddii Uu Wax Ka Dhigayay kaga Sheekeeyay In Doorashadii Farmaajo, uu Farmaajo 30 Kun$ Xildhibaan kasta la Siinayay, Xasan Shiikhna 50 Kun$ Siinayay (Fallanqayn)

Filed under: Important News,Wararka |

Runtii Prof Cabdi Ismaaciil Samatar waa uu ku saxsanyahay in runta laga sheego musuqmaasuqaas isaga ah, waana wanaagsantahay in musuqmaasuqa la sheego oo aan laga aamusin, gaar ahaan wixii danta guud ah.

Dalalka horumaray nidaamkooda dawladeed waa ka illaashaan musuqmaasuq, waayo 10 dollar oo nidaamka dawladda lagu musuqmaasuqo wuxuu hoos u dhigaa kalsoonida ay shacabku ku qabaan dawladda.

Haddii marba xildhibaanada la musuqmaasuqayo oo la iibsanayo Soomaaliya wax dawlad xitaa u eg haka sugin.

Waa la isku raacay in Farmaajo Qalbi wanaagsan yahay, oo uu yahay nin daacada oo waliba jecel in Soomaaliya dawladnimadeedii oo soo noqoto.

Laakiin hadda waxaan sugaynaa sida uu musuqmaasuqa ula dagaalami lahaa oo doorashada soo socota aan xildhibaan iiba, aan markaas Soomaali xildhibaan looga dhigin.

Prof Cabdi Ismaaciil waa ku saxsanyahay in uu arrinkaas buun buuniyo oo caalamka gaariiyo.
Meeshaan danguud baa laga hadlayaa ee laga hadlimaayo dan shakhsiyadeed.