Qaabkee buu u dhacay dagaalkii Taleex oo dhimashadu ay hada sii marayso 10

Filed under: Wararka |

Question

Wararkii ugu danbeeyay waxay sheegayaan in dhimashaddu ay sii marayso illaa 10, oo shacankii deegaanka Taleex oo ay xasuuqeen Ciidamo uu watay Cabdisamed Cali shire.

Hadaba dad badan baa iswaydiinaya sidee bay ku dhacdaa in Ciidanka Puntland lagu xasuuqay shacabkii masaakiinta ahaa ee reer taleex gaar ahaan Beesha Nuur Axmed ee Degta Degmadda taleex ee uu kasoo jeedo CabdiSamad Cali Shire.

Sadex doodood baa suuqa u badan waxa uu dagaalku salka ku hayo

1) Qolo ku doodaysa waxaa ula kac u sameeyay dagaalkan oo ka danbeeyay Faroole si uu Dooraashadda u dheeraysto
2) Qolo ku doodaysa waxaa gadaal waxaan kasoo abaabulay qaar taageersan Maamulka Soomaaliland oo hadhow raba in ay Saas deegaanadaan kuqabsadaan oo qoladda Indhasheel sooraacaan
3) Qolo ku doodaysa waa Kkilaaf Dhulbahante dhexdiisa.

Qormadaan Hoose akhri oo kala dhex bax wixii Macquula

Kooxda G11+1=G12 oo lagu daray Wakiilkooda Gudaha Indhoshee, qaar ka mid ah qurba joogta ku shaqaysa fikirka Dr. Cali iyo G12 ee ah in Dhulbahante is dilo kalana adkaado shirkana khasab loogu qabto Taleex oo beryahan ka waday abaabul dagaal iyo xasarad deegaanada SSC ayaa ugu danbayntii maanta ku guuleystey qaar ka mid ah qorshayaashoodii.
Abaabulkan iyo Dhiirigalinta laga waday qurbaha ,iyo weeraro laga soo qaaday Tuulada Saax dheer kuna wajahnaa Taleex ayey ku faxshamreen kooxdaas G12. Waxaana Dagaaladani aakhirkii sababeen dhimasho iyo dhaawac ka dib markii dad shacab ah la dagaalgeliyey.
Ujeedada ugu wayn ee abaabulkan lagu marmarsiiinyooday in shir taleex ka dhacayo ayaa ahaa inuu dhaco dagaal ka dhex qarxo beesha Nuur Axmed sidii dagaalkii sokeeye ee Taleex ka dhacay xilligii shirkii Khatumo II, ka dibna u gudbo dagaal Ugaadhyahan dhexdiisa ah, markaasna taladu faraha ka baxda oo noqdo saf ballaadhan.

Taasoo kooxda G12 iyo xulafadooda u arkayeen arrin u fududaunaysa inay Somaliland soo kaxaystaan iyagoo u tusaya in Puntland ku soo duushay, degaanka dhulbahantena ay sidaas sahalka ah ugu gacan geliyaan SNM oo heshiisyo hoose oo shidaalka ku saabsan ay qaar G12 ka mid ahi la wateen in muddo ahba, qorshahaas oo hadda qaarna u hirgalay wejigiisii labaadna ay hadda ku hawlanyihiin.

Waxaan abaabulkii in Taleex dagaal ka dhaco, Kooxda G12 u soo magacaabeen Col/Indhosheel oo hadda u ah madaxweynaha keliya ee khaatumo, ka dib markay xil ka qaadis ku sameeyeen labadii madaxweyne ee kale ee ay iyagu inoo magacaabeen. Indhasheel oo khibrad iyo diblomaasiyad militeri u leh fulinta hawlahaas, taas oo ay hadda muuqato inuu guulo waaweyn ka soo hooyey kana soo badbaaday isaga, wasiiradiisii iyo la taliyeyaashiisiiba, dagaalkii la rabeyna uu ka bilaabmay Taleex(Allow naga qabooji).
Waxaa dagaalkii ay G12 ku soo qaadeen Godaboobe iyo Madaxweynihii ay shalay Taleex ku doorteen ee Axmed Garash lagu caydhsaday jabhado beeleeydadii u watay Col/indho sheel iyadoo ciidamada badankoodii dib loogu soo celiyey duleedka Boocame ee dhinaca Hawdka bariga Sool, taas oo ka mid ahayd qorshaha ama kaartada dagaal ah ee uu sii dhigay Cornaylku, si isaga, wasiiradiisa iyo inta hawsha Taleex la fulinaysaa keliya ahi ay u gudbaan marka hore, ugana fakadaan ciidanka Godqaboobe.

Madaxweyne Col/Indhosheel oo la waayey intii labada ciidan Godqaboobe isku horfadhiyeen ayaa si dhuumasho leh ku galay Taleex isagoo ka gudbay tuulada Higlada ee u dhow Tuulada Ganbadhe oo ah deegaanada ay xukumaan ciidamada Maamulka isku magacaaba Somaliland ee Magaalada Laascaanood haysta.

Warar ay shebekada allboocame heshay ayaa sheegaya in ciidamada buundada Gambadhe fadhiya amar lagu siiyey, inaanay wax faragelin ah ku samayn hawlahan soconaya ee Indhasheel, Taliska Lascanood-na uu la socdo kana warqabo. Intaa ka dib wuxuu u gudbay Tuulada Carooley ee uu joogay Ninka aadka u khaatumaysan ee Garaad Mashqare oo diiday isagu shirkii Beesha Ugaadhyahan ee Sarmaanyo, kana mid ah ragga u yeedh yeedhaya Col/indho sheel. Waxaana Indho sheel iyo 4 gaadhi oo uu wato xalay Nove.29, si dhuumasho ah u yimaadeen uguna hoydeen Taleex .
Gen Cabdi samad oo degenaa meel aan sidaasi uga fogayn ayaa soo gaadhay Taleex, wuxuuna Col/indho sheel iskaga baxay Taleex ka dib markii odayaal degaanka Taleex ahi u sheegeen in uu halkan dagaal ku yimid, sidaas darteen aanu xaq ugu lahayn wax magan ah, Cabdisemedna magaalada ku soo dhowyahay, arrintaas oo sababtay inuu ka cararo jamhadihii awal loo sheegay inay badbaadinayaan, ciidamada hawdka kala yimidna shalay Axmed Garaash dib ugu celiyey Hawdka Bariga Boocame ee Gobolka Sool.
Indho sheel oo ka cararay Gen/cabdisamad ayaa waxaa in cabaar ah caydhsaday ciidamada khaatumo ee hoostaga Axmed Garaash waxaana lala hadlay Axmed Garaash si ay u badbaadiyaan farahana uga qaadaan ninkasi tolka ah oo ay soo waaleen G12.
Dhanka kale warar soo gaadhaya allboocame ayaa sheegaya, qaar ka mid Cuqaasha Axmed-Garaad in ay la soo xidhiidheen Cuqaasha Ugaadhyahan iyo Garaad Saleebaan ayna ka codsadeen in magangelyo la siiyo Indho sheel iyo ciidamada uu wato, arrintaas oo sida la sheegay Indhasheel tolkiis iyo reer Buuhoodle ka codsaday in loo sameeyo markay u cadaatay inuu khatar ku jiro. Cuqaashii ugaadhyahan iyo Garaad Saleebaan markiiba waxay la hadleen Gen Cabdisemed si ciidamadii ku dabajirey ay uga hadhaan Indho sheel. Ciidamada Axmed Garaash ee fadhiyey God qaboobe ilaa Tukaraqna lagu amray in aanay wax rasaas ah ku ridin, sidaasna uu ku tago kuna gaadhay Col/Indho sheel iyo intii la socoteyba nawaaxiga Boocame.
Dagaalkii ka dhacay Taleex.

Hadaba Gen Cabdisamad ayaa waxaa soo weeraray Jamhado beeleedyo reer Taleex ah oo ay isku hayb hoose yihiin kuwaasoo ahaa kuwa khaatumaysan oo indhasheel ku soo hogaamiyey una sheegay been iyo wararkii G12 oo ah in dhulbahante kula socdo kulana jiro dagaalka, ciidamadii uu hawd kala yimidn indhasheelna goor dhow soo geleyaan degmada Taleex, cashar lama illaawaan ahna siin doonaan Cabdisemed, ciidamadiisa iyo wixii talada G12 ka horyimaadda, halkaasna waxaa ka bilaabmay kana dhacay dagaalkan foosha xun ee maanta la dhexdhigay loogana kala tegey dadka wada dhashay ee degaan, tolliimo iyo ehelnnimo aan cid kale kala xigin.
Waxaana khasaaraha dagaalkaasi wararka shebakadani ka hayso lagu sheegayaa Alle ha u naxariistee, ugu yaraan 8 sideed dhimasho dhinaca degaanka Taleex iyo 2 askarta Puntland ah iyo weliba dhaawac aan tiradooda naloo xaqiijin.

Gen. Cabdisemed ayaa hadda la wareegay gacantana ku haya maamulka Taleex ilaa dooxooyinka Nugaasha iyo Nawaaxiga Laamiga ah ee Buuro wadal,Tukaraq iyo God qaboobe. Dhanka kale ciidamadii saaxdhee oo aan awelba laamiga dhaafin una gudbin dhinaca Nugaasha ayaa iyagu saaka hiirtii ka sii ambabaxay degaanka Boocame iyagoo aaday Saaxdheer caawana ku hoyday Tuulada Karin dabayl wayn.

Ilaahay waxaanu ugu baryaynaa in dadkaa walaalahaha ah uu samir iyo iimaan ka siiyo intii dhintay, in Ilaahay tuso una fududeeyo inay ka heshiiyaan dhibka dhacay iskana gartaan xumaanta iyo xaqdiga laysugu dhiibay. aamiin aamiin

Waraka ugu danbeeyey danbeeyey ee shaqaaqooyinka Taleex iyo Gobolka Sool kala soco Shabakada allboocame.com

Xigasho Allboocame