Qoraaladii Aan P/O Ku Daabici Jirnay ee Ku Saabsanaa In Umadaha Caalamka Nagula Nool Oo Dhan Walaaltinimo Iyo Qadarin Iyo Jacayl Loo Muujiyo

Filed under: Heeso,Important News,Wararka |


Bismillah
Waxaa illaaheen subxaanu qaadir uu nagu duway oo na tusay in aan marwalba ku daabici jirnay P/O qoraalo ku saabsan in ay Soomaalidu u noqdaan aduunka role model ama in ay qawmiyadda Soomaalidu caalamka ka dhaadhiciyaan in qawmiyadda Soomaalidu ay doonayso in ay walaaltinimo, qadarin iyo jacayl u muujiyaan qawmiyadaha kale ee caalamka nagula nool,

Halkaan kilig garee si aad qaar kamida u arragtid qoraaladaasm khaasatan qoraalo ku saabsan dalalka Sweden iyo Cumaan oo aan tusaale usoo qaadanay oo ah dalal xushmeeya dhammaan qawmiyadaha caalamka illaahay kula abuurray.

Dhanka kale xitaa xiliyadii xukuumaddii Xasan Sh xiriirka u jartay Iran aad baan uga soo horjeednay fikirkaas guracan.

Halkaan ka eeg qaar kamida qoraaladaas

Isku soo duu Qowmiyadda Soomaalida waaba qowmiyad iska dhexdhexaada, oo aan Carab rasmiya ahayn, African rasmiya ahayn, hadana 30 kii sano ee ugu danbeeyay Soomaalidu caalamka oo dhan bay u qaxeen meelkastana waa laga soo dhaweeyay, waxaana wanaagsan in ruuxa damiirka leh uu abaalka gudo, oo dadkii shalay kusoo dhawaynayay oo dadkaaga maatada soo dhawaynayay in aad maanta caydo ama aad cadaawad u muujiso waa jazaarnimo, mana jiro dal aynan Soomaali u qaxin, haba ugu badnaadeen qawmiyadda European-ja ama dalalka reer galbeedka oo si xad dhaafa usoo dhaweeyay qaxootiga Soomaalida iyo dalalka carabta iyo cidwalba.

Marka xukuumadda Madaxwayne Farmaajo ayaa hadafkaas ku shaqaysa waxaana fiican in ay sii laba jibaaraan.

Dalka Turkiga ayaa shacabkoodu waxay aad u soo dhaweeyaan shacabka dalkooda bookhashada ku yimaada waayo miisaaniyadda ugu badan bay ka hellaan dadka Tourist-tahaa ee dalkooda yimaada, waana siyaasada dawladda in qofka turkiga bookhasho ku yimaada aad loo soo dhaweeyo si uu markale usoo laabto.

Hadana Qawmiyadda Soomaalida waxaa laga rabaa sidaas si lamiada, waxaana laga rabaa waxkasta oo dhaca in aynan dhex maquuran siyaasadaha dalalka waawayn u dhexeeya, ee ay kaliya Soomaalidu dhanka wanaagga iyo nabadda iyo ganacsiga ku koobnaadaan.

Xitaa waxaa jirta Soomaali badan oo mararka qaarkood, qowmiyadda Yahuudda qalad ka fahma.
waxaynan Soomaalidu kala aqoon siyaasiyiinta xagjirkaa ee asalkoodu Yahuudda kasoo jeedo iyo qowmimiyadda Yahuudda.
Runtii qowmiyadda Yahuudda sidii ay nabiyada wanaagsan ee tirada badan uga dhasheen bay dad wanaagsan oo badan u leeyihiin, waliba Soomaalida waxaa loo badiyaa in faracii Nabi Muuse ay qaybkamida kasoo jeedaan
Laakiin waxaa jira Siyaasiyiin xagjira oo asalkoodu yahuud yahay, qolooyinkaasna illaahay baa la xisaabtamaya, laakiin inta badan qawmiyadd Yahuudda qurbaha marka lajoogo illaahay amarki Soomaalida wayba jecelyihiin oo way soo dhaweeyaan oo xitaa xuquuqdooday u doodaan.

Arrinka Falastiin waa arrin Caalamkoo dhan u yaal, waxaana la rabaa in ciddii awood haydsa ay doorka dhexdhexaadinta waqti galliyaan wixii intaa dheer afkaaga hayso, umadahaas iyo qowmiyadaha aduunakana marna ha colaysan ee la saaxiib.

Puntlandobserver desk