Qormo cadaynaysa sida Maamulka Somaliland uu Kharashaad Ugu Bixiyo Sida Beelaha Hartiga dhexdooda Loo kala Qaybiyo

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Qormadaan ayaa la daabacay 2011.
Qormadaan ayaa hadaad akhriso waxaa kuu cadaanaysa in maamulka Soomaaliland uu sidii boqortooyooyinkii wax gumaysan jiray uu beelaha hartiga Gobalada waqooyi uu isticmaalo nidaamka qaybi oo xukun oo inta badan lagu maareeyo lacago farabadan oo ay gacmo shisheeye ku taageeraan si markaas lowgu guulaysto in Soomaali lakala qaybsho oo la isku jabiyo.

Faallo: Tartan Awood kala Riixasho u dhaxeeya Beelaha Dhulbahante oo Biloowday

Laascaanood(saraarnews) Hirdan awoodeed u dhexeeya beelaha Dhulbahante ayaa ka biloowday degaanada beeshaas  iyada oo Beel waliba la garabsanayso maamulka iyo cidii kale ee ay is leedahay waxaad ka helaysaan taageero iyo gacansaar kale.

Hirdanka Awooda ee Beelahan u dhaxeeya ayaa meeshii ugu saraysay maraya imika, tusaale ahaan beesha Ugaadhyahan ayaa waxay u soo qalab urursanayeen sidii ay beesha Jaamac Siyaad ugala wareegi lahaayeen awooda Gobolka Sool ee ay xididada ugu siibi lahaayeen. waxayna aaminsanyihiin inay Jaamac Siyaad hormood ka yihiin Somaliland , sidaa aawadeed Ugaadhyahan waxay xitaa kaga dabagalayaan Somaliland si ay awoodooda u wiiqaan. Dhinaca beesha Jaamac Siyaad ayaa waxay balan ku qaadeen inay si wanaagsan isaga caabiyi doonaan cidii isku dayda inay wiiqdo talada iyo Awooda xileed ee ay ku leeyihiin Somaliland.

Duulaan kale ayaa wuxuu ku jahaysan yahay Beesha Bahararsame oo loo arko mid haysata mansabyo badan oo beesha Dhulbahante leedahay, sida Gudoomiye xigeenka baarlamaanka, Wasiirka warfaafinta, Maayarka laascaanood, taliyayaasha Ciidanka qaar ka mid ah. Waxaana Beelaha Kale ee dhulbahante ee ay is hayeen ku taageeri waayeen duulaanka beeshaasi lagu soo qaaday deegaankeedii Cagaare ee ku yaala xadka Somaliland iyo Puntland u dhexeeya, waxayna Beelaha dhulbahante qaarkood taageerayaan Beesha Cumar Maxamuud oo ay is hayaan beesha Bahararsame ee dhulbahante, ujeedada ugu weyn ee ay ka leeyihiina ay tahay inay wiiqaan hogaaminta beeshaasi ku lahayd Dhulbahante. Beelaha Ugu horeeya Arintan ayaa la sheegayaa inay hormuud ka yihiin Beelaha Axmed garaad ee hawd-ka dega.

Dhinaca Hawdka Beesha Aadan Axmed( Reer Hagar iyo wacays Aden) ayaa waxay halgan ugu jiraan sidii ay meesha uga saari lahaayeen Beesha Cali Geri Ahmed ee oo noqotay beesha ugu Masuuliyiinta badan Dhulbanate Hawd sida, Wasiir xigeenka Arimaha Gudaha, Abaanduulaha Ciidanka qaranka, Agaasimayaal guud , maareeyayaal.

Taas bedelkeediina Beesha reer Hagar ayaa ku doodaysa in iyaga Dhulbahante oodeed wax laga waydiiyo maadaama oo ay ugu awood roonyihiin. Beesha cali geri ayaa la sheegayaa inaanay iska garanin dabinkaas Aadan axmed ee ay imika Toos ugu dhacday.

 Beesha Guuleed garaad (Barkad) ayaa iyadu isku qancisay inaanay marna ka baxaynin heshiiskii ay ku liibaaneen ee ay la galeen xukuumada somaliland , kaas oo beesha degaankeedu ka helay daryeel dhinaca waxbarashada iyo mushahaarka macalimiinta ah, waxa kale oo ay ku naaloonayaan wadahadalkii nabadeed ee ay ku gaadheen wixii ay colaada ku waayeen taas oo ah in laga qaaday deegaankaas ciidamadii Somaliland, isla markaana loo soo daayey maxaabiistii beeshaas u dhashay ee lagu qabtay dagaaladii ka dhacay deegaanada Widhwidh iyo Balicad. Waxaana ka go'an inaan deeganadoodu noqonin kuwo somaliland laga waxyeeleeyo, waxaanay fideeyeen nin beeshaas ka fidmoomay oo lagu magacaabo Keyse Cabdi yuusuf oo hore u dilay sarkaal beeshaas u dhashay oo ka tirsanaa ciidamada qaranka oo la odhan jiray Shiine Galaal. waxayna waxgaradka iyo cuqaasha Beeshaas xukuumada Somaliland u saxeexeen inay ninkaas talaabo ka qaadaan.

Baho Nugaaleed oo ay ugu tugtug roontahay beesha Xasan Ugaas ee Degaanka Boocame ayaa iyaguna magaalada Hargeysa u diray cuqaal iyo odayaal beeshaas ka tirsan iyaga oo ku doodaya inay xaqii ay ku lahaayeen saami qaybsigii beelaha gobolka Sool ee Somaliland aanay helin.

Beelaha Jaamac Siyaad iyo Bahararsame ayaa la sheegay inay iyaga laftoodu ciyaar dabaal joogto ah la ciyaaraan dhulbahantaha kale , waxana Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo Garaad Jaamac Garaad Cali isu muujinayaan niman Somaliland mucaarad ku ah, iyagoo dhinaca kalena mid kastaa madaxweyne Siilaanyo u soo gudbiyey Xubinta wasiirka ah ee loo magacaabayo beeshooda. Arintaasina waa sababta keentay in Labada wasiir ee Xaabsade iyo Cabdirisaaq khaliif ay ka soo jeedaan labada Beelood ee Jaamac Siyaad iyo Bahararsame.

 

Dhinaca kale Madaxweyne Siilaanyo iyo madaxtooyada ayaa la hadal hayaa inuu magacaabi doono  Hal Wasiiir iyo Hal wasiirku xigeen awood leh oo ka tirsan beesha Dhulbahante si xaalada ay u qaboojiso, maadaama oo aan mushahar iyo gaadhi labo xubnood oo wasiiro ahi waxba qaranka yeelaynin, Waxaa la sheegayaa inay Hirdan balaadhan xilalkan ugu jiraan Beesha Reer Hagar iyo Beesha Naaleeye Axmed. halka warar kale sheegayaan in lala sugayo inuu xubanahaas soo xulo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo la filayo inuu dhowaan hargeysa yimaado.

Hadaba waxaynu eegi doonaa Hirdanka awoodeed ee u dhexeeya beelaha Dhulbahante wejiga uu yeesho todobaadyada soo socda.

2 Responses to Qormo cadaynaysa sida Maamulka Somaliland uu Kharashaad Ugu Bixiyo Sida Beelaha Hartiga dhexdooda Loo kala Qaybiyo

  1. Pingback: Qormo cadaynaysa sida Maamulka Somaliland uu Kharashaad Ugu Bixiyo Sida Beelaha Hartiga dhexdooda Loo kala Qaybiyo - Daily Somalia Report