Talo Soojeedin Arrimaha Imaaraadka Iyo Soomaalida.

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Jiilka dhalinyaradaa ee Soomaalidaa baryahaan danbe illaahay mahaddi wacyigoodu meel aad u saraysa ayuu marayaa dhanka midnimada.
-Waxaadse mooddaa in la rabo in khalkhal la galiyo, midnimada iyo is jeclaahasha ka dhex abuurmay jiilkaas dhaliyaraa ee hadda soo koraya ee doonaya in ay dunida kale wax la qaybsadaan, sharaftooda iyo dalkooda illaashadaan, meelna uga soo wada jeedsadaan sidii aynan u baryootami lahayn umadaha kale ee dunida kula nool.

-Waxaad mooddaa in jiilkaan cusub ay meel iska dhigeen in ay dhegaystaan hadalka IYO DANAHA SHAKHSIYADEED EE “SIYAASI DAYUUS DADYAW KALE U SHAQEEYE”.

Si kastaba ha ahaato, waxaa Soomaalida laga doonayaa in ay caadifad meel iska dhigaan, seef la boodid meel iska dhigaan, oo ay bartaan sida loo ciyaaro turubka siyaasadda.

Haddii imaaraadku turub siyaasadeed kula ciyaaro, waa in aad adiguna la ciyaarto ee ma ahan in aad seef qaadato.

Waxaana hadda socda baryahaan danbe loolan siyaasdeed oo ka dhex aloosan Qadar iyo Imaaraadka, waxaanad mooddaa in loolan siyaasadeedkaas kubaddiisa kusoo ciyaaraan dalal badan sida Dalka Liibiya, SOmalia iyo dhamaan dalalka ay dawladuhu ka burbureen.

Dhanka dhaqaalaha uu imaaraadku Soomaaliya siiyo

.
Bil xaqiiqiyan soomaalidu waxay tiraahdaa miro geed saaran miro gacanta kuugu jira looma daadsho.
Haddii uu Imaaraadku dhaqaalaha uu Soomaaliya siiyo, sii wadayo waa wax fiican, haddii uu joojiyana qudheedu ma xuma, oo Soomaali waa in ay iyadu isku tashato, hase yeeshee marna caadifad iyo seeflabood, Soomaali uma wanaagsana, colaad abuur mid dibadeed iyo mid gudana innooma wanaagsan, waxaa innoo wanaagsna qunyar socosho, tanaasul badan.
Waxaa jira siyaasiyiin aaminsan in Imaaraadku Soomaaliya uu ka faa-iido burburkeeda, oo waxwalba uu ka faa-iido, hadday noqonlahayd ganacsi bagaash, mid xawaald, mid dalxiis, mid diyaaradeed intaba, waana ku amaanan yihiin siyaasiinta sidaas Soomaalida u saxaya arrinkaas isaga ah oo aad baa lowgu baahanyahay in arrinkaas shacabka loo bidhaansho.

Laakiin dhanka kale
Marna Soomaali uma wanaagsana in ay noqdaan wadan dhan u janjeera.
Tusaale haddii Soomaali qadar dhankeeda u janjeersato.

Horta waxaan ognahay in Qadar ay xitaa imaaraadka ganacsi la samayso oo xiriir hoose ka dhexeeyo.
Waxaan kaloo ognahay in Qadar ballaayiin dolar hub uga iibsato dalalka reer galbeedka oo la safan imaaraadka.
Markaas amaynan jirrin sabab aan ula kala safano Imaaraad iyo Qadar.

Soomaalida ugu badan maanta waxay ku nool yihiin dalalka reer galbeedka, oo dalalka reer galbeedku laga soo billaabo 1990, waxay dalalkooda kusoo dhaweeyeen mallaayiin Soomaaliya oo ay nabad galyo ku siiyeen.

Aduunna waxaa ugu xun Jizaar, oo waligaa abaalka waa la gudaa, oo abaal laawe lama noqdo.
Sidaas awgeed ayay Soomaali waxay ku khasban yihiin in ay dhawraan xuquuqda dalalka dunida maadaama ay Soomaali meel walba jooggaan.
Waxaana Soomaali laga rabaa in ay awoodda saaraan ka shaqaynta midnimadooda oo hadda soo wanaagsanayaysa.

Aakhirkana marwalba la xasuusto, maadaama aan nahay dad muslima aan marwalba xasuusano islaanimada iyo ruuxa muslimkaa xquuqdiisa.

Puntlandobserver desk