Warbixin: Tobanka Wadan ee Leh cruise missile-lada Dunida Ugu Casrisan Iyo Turkiga Oo Kaallinta Hore Kaga Jira, Waliba Ugu Magacdaray Som.

Filed under: Important News,Wararka |

Turkey Som cruise Missile
Warbixinadii ugu danbeeyay ee ka sheekaynaya 10 dal ee haysta cruise missile-ka dunida ugu casrisan, ayuu dalka Turkiga ka gallay kaallinta 8-aad.
Iyadoo ay dhanka kale kaallinta 1-4 ay galleen dalalka Russia, China, iyo India.
Xulafada Nato ayaad mooddaa in looga dheereeyay cruise missile, inkastoo aad moodid in wiigaan Syria ay xulufada Nato ku muujiyeen awoodooda qarsoonayd oo loo babac dhigi waayay.
Hase yeeshee wararka suuqa yaal oo aan ahayn kuwo la aamini karo ayaa oranaya dalalka Nato waa looga dheereeyay cruise missile.

Hadda waxaad mooddaa in cruise missile uu yahay aalladda ugu khatarsan ee la isugu awood sheegto maanta, maadaama uu cruise missile ku shaqeeyo GPS oo barta aad taagantahay uu kugu haleeli karo, uuna ku socdo xawaaraha iftiinka oo sii x-jibbaaran.

Hadaba Turkiga ayaa soo bandhigay 2011 cruise missile uu ugu magac daray Som, oo loo qaadankaro Somalia oo lasoo gaabshay, laakiin laga yeebe in uu micno kale ka koobanyahay.

Hoos ka eeg warbixinta 10-ka wadan ee haysta cruise missile-da dunida ugu casrisan.
Top 10 Deadliest Cruise Missile, http://indiandefencenews.info.