Ninka Gabadha Jarmalkaa Aftuubtay Wuxuu Dhaawacay Sumcaddii 14 Million Ee Soomaalidaa, Ninkii 10 dollar oo Hanti Xoolo Dawladeed Musuqmaasuqa Wuxuu Dhaawacay kalsoonidii Soomaali Ku Qabtay Dawladooda(Fallanqayn muhiima waxbadan ka kororso)

Filed under: Aqoon-kororsi,Important News,Wararka |

ignorancy

Bismillah (Mahad oo dhan waxay u sugnaateen illaaheen subxaanu qaadir ee iska leh nashqadda sida aan u egnahay iyo nafta nagu jirta, ahna mulkiilaha leh koomka iyo wixii ku sugnaaday, waa in aan daqiiqad kasta u mahadnaqnaa)

Sida aan marar badan horay u sheegnay ninkii musuqmaasuqa 10$ oo xoolo hanti dawladeeda, wuxuu ka dhigan yahay nin xabad ku dhiftay kalsoonidii umadda Soomaaliyeed ka dhaxaysay.
Waayo Soomaali waxaa mideeya oo kalsoonideeda dib isugu soo cesha hadba sida loo maamulo hantida iyo awoodda dawladda.

Haddii shacabku dareemo in wixii nidaam dawladeedkii ay wada lahaayeen ay wali wax ku leeyihiin oo qolo aynan kilkilisha gashan, waxay dareemayaan, Soomaalinimo, dal jacayl.
Ninka 10 dolar ka musuq maasuqa hantida dadwaynaha wuxuu lamid yahay nin dhaawacay hanaankii nidaam dawladeedkii Soomaaliyeed oo dhan iyo kalsooniduu shacabku ku qabeen dawladda ayaa hoos u dhacaysa.

Waxaad arkaysaa nin madaxwayne ah oo maantoo dhan ka fakaraya oo xooggaa uu jeebka ku rito, kama fakaraya in ay umad 14 million ah indhaha ku hayaan sekan kasta oo uu dhaawacayo kalsoonidii lagu qabay, kamana fakarayo in boqolaal kun oo mallaa-iga daawanayaan, goor aan saas u fogayn markuu dhintana su’aalo laga waydiin doono.

Tusaale Xasan Sh haddii uu si daacada u shaqayn lahaa maanta isagaa madaxwayne ahaan lahaa, laakiin maanta markaan magaciisa maqalno waa naxnaa wixii uu sameeyay, waxaana u danbaysay in Fiise ku gal maraykanku u diido.

Ninka maanta gabadha Jarmalkaa afduubtay, ninkaasi wuxuu dhaawacay dhamaan sumcaddii 14 ka million ee Soomaaliyeed oo dhan, wuxuuna hoos u dhigay xiriirkii wanaagsanaa ee shacabka Jarmalkaa iyo shacabka Soomaalida ka dhexeeyay.
Bala qabahaas waa habaaraynaa.

Ogow Jarmalku waa dalka kaliya ee Soomaalida sida goonidaa u jecel, isla markaasna mustaqbalka haddii dawlad ay garwadeen ka yihiin dad waxgarada markaas xiriir wanaagsan ay Soomaalidu la samaysan lahayd Jarmalka.
Waayo xiligii barasamamaadkii Baasaboorka Soomaaliga ruuxa wata uma baahnaan jirrin in uu Jarmalka Viise u qaato.

Dhanka lacagaha ay dalalku dalxiiska ka sameeyaan (Tourism Revenue)

Soomaaliya ayaa waxay dhoofisaa sanadkii xoolo gaaraya illaa 500 oo kun oo neef waxayna ka heshaa dakhli dhan 0,5 billion$, ama 500 oo mallion$ sida ay sheegyau hay’adda FOA. Halkaan ka eeg

Haddii ay Soomaali wixii ay xoolo dibadda u dhoofinaysay ka heshay nus billion$, Turkigu dalxiisa yaasha dalkiisa yimaada wuxuu sanadkii ha hellaa 11 billion$, halkaan ka eeg

Dhanka kalena maraykanka ayaa dadka soo bookhda dalkiisa ka hela lacag gaaraysa 220 billion$
Halka Jarmalkuna ka helo 65 billion$ dadka dalxiisayaashaa ee dalkiisa sanadkii yimaada. Halkaan ka eeg.

Hadaba isku soo duub.
Qofka Soomaaliya soo bookhda, waxaa laga helayaa lacag fara badan
oo dadkii guryaha lahaa ayaa guryo ka kiraynaya oo lacag ka helaya.
Dadkii makhaayadaha lahaa ayaa lacag ka helaya.
Dadkii dukaamada lahaa ayaa lacag ka helaya.
Dadkii diyaaradaha lahaa ayaa lacag ka helaya.

Hadaba ninka gabadha Jarmalkaa afduubtay wuxuu dhaawacay sumcadda nabadgalyada dalka Soomaaliya, taasi hoos u dhigaysa in ay wax dalxiisayaala dalka yimaadaan.

Maxaa qofwalba oo Soomaaliya laga doonayaa.
Waxaa qofwalba laga doonayaa in siduu uu uga shaqayn laha amniga ruux kasta oo Soomaaliya ku nool, muhiim ma ahan dalka uu ka yimid.

Xitaa haddii ruux Soomaaliya oo aan ajnabi ahayn dalka Soomaliya dhexdiisa wax lagu yeelo.
Ruuxa dhibkaas gaytay wuxuu dhaawacay dhammaan sumcaddii umadda Soomaaliyeed.

Si kooban u diyaariye Ib Gablax