Warbixin: Soomaalidu Asal Ahaan Ma Carab Baa Mise Kushitig

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Important News,Wararka |

Somali orign
Idaacadda Buulaxuubay ayaa warbixin ka diyaarisay Isirka Soomaalida, hoos ka eeg.

Waxaa jira dhowr doodood oo ku salaysan halka ay Soomaalidu isir ahaan kasoo jeedaan.
Hase yeeshee waxaa xaqiiqa in Soomaalidu kasoo jeedo dadyahow-gii ugu horeeyay faracyadii nabayadii Nabi Muuse, Nabi Maxamed, Faraaciintii hore.

Waxaase wax cad lahayaa in ay Soomaalida iyo Oromadu arragti ahaan aad isugu egyihiin, luuqad ahaana isku dhawyihiin, waxaanse meesha ka marnayn in muddo dheer Soomaalidu muslim ahaayeen Carabtana xiriir qoto dheer uu ka dhaxeeyay maadaama Soomaalidu islma ahaayeen xeebahana deganaayeen oo waayadii hore uu ka dhexeeyay Soomaalida iyo carabta ganacsi qoto dheer.

Isku soo duub Soomaalida ayaa Carabta iyo kushitigga labada farac kuleh, waxaana habboon in labadaba xaqooda aan la duudsiin midna, waxaa kaloo Soomaalida u dheer in ay 50% africa yihiin, marka waa in aynan Soomaalidu diidin Carabnimada, African nimada, Kushitignimada, waxaana intaas dheer dad oranaya Soomaalidu waxay kasoo jeedaan Faracii Nabi Muuse, oo qaar oranaya waxay kasoo jeedaan faracii Nabi Maxamed.

labadaas arrimood qudhoodu waa macquul, ama calaa aqali waxaan ku leenahay farac.

Akhri qoraalka

Maxaad kataqaanaa Boqortooyadii Kushitiga (kush Kingdom, Kush impire) Soomaaliduse ma Kushitic baa asalkoodu?

Dhanka kalena hoos ka eeg warbixinta isirka soomaalida ee idaacadda Buulaxuubay.