Webiyada iyo Badda [Sheekaxariirooyinka Aesop]
Waa waayada ka mid ah ayaa dhammaan Webiyada isu yimaaddeen si ay uga ashtakoodaan falka Baddu sameeyso, kaas oo ah in biyahoodu ay milix u rogto. “Kolkaannu adiga kuu nimaadno,” ayay Baddii ku yidhaahdeen, “waannu macaannahay oo waa nala cabbi karaa: hase ahaatee, goortaannu muddo gaaban kula joogno oo aannu kugu milanno ayaa biyahayagii noqdaan sida kuwaagoo kale oo milixsan oo aan afkaba loo dhoweeyn karinnin.” Ka gadaale baddii baa jawaabcelisey, “Agtayda ka fogaada oo macaankiinnaad ahaan doontaan.”
Kuwa ugu faa’idada badan ayaa ah kuwa aalaa ashtakoodka ku horreeya
Aesop