Jaamac Ma Illaaway?
Jambeelkuba sagaarada hadduu, jeexa ka ugaadho
Jumbulkeeda xuurka ah hadduu, kaga jiqiiqsiiyo
Kama jiidatee waw cidaa, jiiska habartiiye
Laxduna waw jalaaddaa ilmaha, jiirka kaga yaalle.
Lixda jilibee reer Cali-Gerow, Jaamac ma illowdey?
Ina Dhawrahaan jaajin jirey, Jaamac ma illaaway?
Duryankii jiriiddada xumaa, Jaamac ma illaaway?
Axmed Ciise jaahiisu gubey, Jaamac ma illaaway?
Reer Maxamedkii jilicsanaa, Jaamac ma illaaway?
Jannadii-ma-tage reer Warfaa, Jaamac ma illaaway?
Ina Mirahaan jiibinahayaa, Jaamac ma illaaway?
Jawaab-daarkii Ina Dayl ahaa, Jaamac ma illaaway?
Gureygii jalleecada xumaa, Jaamac ma illaaway?
Ismaaciil Mire Cilmi
Laga xigtey: “Ismaaciil Mire”
Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare,
Akademiyaha Dhaqanka, Xamar, 1974
Axmed Faarax Cali “Idaajaa”
One Response to Jaamac Ma Illaaway?