Raage Ugaas

Filed under: Aqoon-kororsi,Sheekooyinka,Wararka |

Raage Ugaas

Waxaa la yiri, Raage Ugaas oo ahaa Ina Ugaas Warfaa ayaa isagoo dhallinyaro ah ka tegey reerkoodii. Wuxuu u doolay Quraan dhigasho. Raage oo ahaa gabyaa weyn, markuu muddo badan reerkoodii ka maqnaa, ayuu jeclaystay in uu arko cid aabbihii uga wargeeysa, ugana soo warranta.

Raage oo intuu Quraanka baranayay dacdarro ka dhergey, baa maalin dambe heley niman uu yaqaan oo u socdaal ah dhulkii aabbihii, Ugaas Warfaa, uu degganaa. Markaas ayuu, isagoo nimankii farriin faraya, ku yiri: “Aabbahay u sheega inaan shanta salaadood weyso-qab ku wada tukado”.

Nimankii safarka ahaa waxay u tageen Ugaas Warfaa oo farriintiina gaadhsiiyeen. Ugaaskii garay ujeeddada farriintu xambaarsantahay. Wuxuu raggii ka codsaday inay soo maraan goortay dhulkoodii ku noqonayaan. Dhowr cisho kaddib ayay soo mareen. Ugaas Warfaa wuxuu nimankii u dhiibey tebbed subag ka buuxo iyo hilbo shiilan oo weel kale ku jira tiradooduna soddon cad ay tahay. Wuxuu safarkii ku yiri: “Waxaad inankaygii ku tiraahdaan, aabbahaa wuxuu na soo faray, bishu waa soddon balliguna wuu buuxaa”.

Nimankii farriinta iyo cuntada qaaday, intii ay sii socdeen ayay subaggii iyo hilbihiiba wax ka cuneen. Taasi waxay dhalisay in nimankii markay Raage Ugaas u tageen cuntadiina siiyeen dabadeed farriintiina u sheegeen, aya Raage ku yiri: “Aabbahay wuxuu farriintiisa ku sheegey inuu ii soo dhiibey tebbed subag ah iyo soddon cad oo hilib shiilan ah. Waxaan idinka doonayaa inaad intii aad iga lumiseen i siisaan”.

Qore: Muuse Cumar Islaan

Muqdisho, 1973

One Response to Raage Ugaas