Adeegsiga Aaladda Robodka

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Wararka |

Yaasiin VII

Adeegsiga Aaladda Robodka

Aaladaha robodka (robotics) wuxuu nolosha caadiga ah ee Reer Galbeedka ka galay sida u adeegsiga nadiifinta aqallada iyo jaridda cawska ka dhex baxa jardiinooyinka guryaha. Shaqooyinkan ayaa ah kuwo fudud, sidoo kalena waxaa loo adeegsadaa wax-soo-saarka warshadaha oo middaa ka culus.

Tusaalaha ugu wanaagsan ayaa ah warshadaha sameeya gawaarida, doommaha, diyaaradaha, iwm. Robodku wuxuu muddo dhow la wareegi doonaa kala badh shaqooyinka imminka shaqaaluhu uu gacanta ka qabto.

Warbixin Jaamacadda Oxford ee Igland ku taalla ay soo saartay ayaa lagu sheegey in dalalka horumaray labaatanka sano ee soo socda ay boqolkiiba afartan iyo toddoba (47%) shaqooyinka kala badh uu la wareegayo robodka halka badhka kale laga dhigayo habka kombiyuutarrada teknoolajiyada tirada (digital) ku shaqeeya. Waxay cilmibbaarayaashu ku sababeeyeen in adeegsiga aaladahaasi yareeynayaan kharashyada wax-soo-saarka iyo adeegyada, isla markaasna kor u qaadayaan tayada shaqooyinka. Shiinaha iyo adduunkaba waxa qaaliyoobaya mushahaarka shaqaalaha. Shiinuhu wuxuu faa’iido u arkay in wax-soo-saarka warshadaha iyo adeegyada dalkaasi loo adeegsado. Tusaale, robodka iyo habka kombiyuutarrada.

Kolkuu dhaqaalaha dal kor u kaco, waxaa sidoo kale kordha mushahaarka shaqaalaha. Dhaqaalahoodu wuxuu ka baxaa marxaladda asaasiga ah ee beeraha ku tiirsan oo ay u gudbaan marxaladda casriga ah ee warshadaha sida Shiinaha iyo dalal kaleba ay soo mareen.

Shiinuhu wuxuu furfuray dhaqaalihiisa intii u dhexeeysey 1978-92. Wuxuu dib-u-eegis ku sameeyey sharciyadiisa iyo qaab-dhismeedkiisa dhaqaale. Siyaasadaha dhaqaalaha lagu furfuray wuxuu u horseedey horumar ballaaran dhanka dhaqaalaha iyo bulshada dalkaas. Tusaale, waxaa suuraggal noqotay in dadka shiinuhu shirkado gaar ah asaasan karaan, hanti gaar ah abuuran karaan. Waxaa timid in Shiinuhu caalamka la ganacsado, in maalgeshiga shisheeye yimaado, iyo in si xawli ah uu horumar dhaqaale iyo barwaaqo ku tillaabsado muddadaas yar ee uu dhaqaalihiisa furfuray.

Wuxuu Shiinuhu saameeyn badan ku yeeshey adduunka. In kasta oo ay jiraan dalal kale oo kaalin muhim ah ciyaara, sida dalka Qadar oo maanta ah dalka koowaad adduunka dhaqaalaha ugu koritaanka badan leh. Dalka labaad weeye ee ugu badan kororka dhaqaalaha sannad kasta, afar iyo toban boqolkiiba (14%) dakhliga qofkiiba (per capital income).

Hindiya ayaa guulo xagga horumarka dhaqaalaha iyo aqoonta ka gaartay. Ra’iisul Wasaarihii hore, Atal Bihari Vajpayee, ayaa 1998kii dunida u sheegey in hamigiisu yahay in uu Hindiya ka dhigo dalka koowaad adduunka ee xagga IT-ga (Information Technology).

Dabadeed Hindiya waxay asaastay Wasaaradda IT-ga. Ujeeddada laga lahaa ayaa ahayd in arday tiro badan oo xirfadley IT-ga barata la abaabulo. Xukuumaddii Vajpayee ayaa taageero iyo maalgelinba Jaamacadaha dadweynaha, gaar ahaan kuliyadaha IT-ga laga barto iyo machadyada gaarka loo leeyahay la garab istaagay. Hindiya hamigeedii waa ku guulaysatay. Waxaa dalkaasi noqday awoodda koowaad adduunka xagga IT-ga. Kuddarsoo, waa dal saddex meelood hal meel wadarta bulshadiisu (1/3) yahay dad aan wax qorin oo akhrinnin. Haweenkuse waa kala badh (50%). Sidaas oo ay tahay misana Hindiya waxay leedahay xirfadleyda ugu badan adduunka xagga IT-ga. Waxaa ka horreeya Maraykanka oo IT-gu u noqday ilaha muhimka ah ee dhaqaalahooda.

Shirkadaha waaweyn ee IT-ga Maraykanka ayaa yimid dalalka Hindiya iyo Bangaaladesh oo shaqo-abuur u sameeysay muwaadiniintooda.

Dhiirranaantu waa guul

Kolka dal la maalgeshanayo waxay tahay in xisaabta lagu darsado oo loo kuurgalo arrimo dhowr ah sida:

  1. Nabadda iyo xasilloonida siyaasadda;
  2. Nidaamka qaynuunka ganacsiga (legal and regulatory system);
  3. Musuqmaasuq iyo mardaddabo yarida;
  4. Xaaladda ururrada shaqaalaha;
  5. Xuquuqda lahaanshaha hantida;
  6. Ilaalinta sicir-bararka;
  7. Xatooyada xoolaha dadweynaha.

Soomaaliya waxaa cid walba faa’iido u ah in ganacsatadu dalkooda maalgeshadaan. Warshado fudfudud (light industries) oo ku kacaya kharash aan badnayn ayaa la hirgelin karaa oo horumarka wax weyn ku soo kordhin kara. Maalgeshiga hantiilayaasha dibedda waxay imanayaan kolka ay dani ugu jirto.

Yaasiin Cabdullaahi Faash

Kassel, Jarmalka, 06.03.2018