Adhi iyo Adhirraace

Filed under: Sheekooyinka,Wararka |

ADHIRRAACE

Adhi iyo Adhirraace

Adhirraace ayaa damcay ri’ raxantiisa adhiga ka mid ahayd oo ka gooni-daaqday oo ka fogaatay inuu dib u soo celiyo. Wuu u foodhiyey oo buunkiisii u yeedhyeedhiyey, hayeeshee wuu ku guuldarraystay, ka sii daranoo wiciddiisiiba dheg jalaq uma dhiginnin.

Ugu dambeeyntii, adhirraacii dhagax ayuu ridii ku halgaaday oo gees ka jebiyey. Kolkuu arkay wuxuu falay ayuu ridii saamax weyddiistey iyo in ayan waxa dhacay u werin mudanihii iyada lahaa. Ridiise waxay ku warcelisey, “Nacasyahow, sidee bay taa ku suurtaggeli? Anigu iska aammusay, geeska ayaase hadli doona.”

Qiil muuqdaayi “i qari!” kuma qarsoomo

Aesop