Awr, Faras iyo Dameer [Sheekaxayawaanka Soomaalida]

Filed under: Aqoon-kororsi,Sheekooyinka,Wararka |

horse-donkey-and-camel

Awr, Faras iyo Dameer [Sheekaxayawaanka Soomaalida]

Waxaa la yidhi: Awr, Faras iyo Dameer ayaa sheekeeystey.

Awrkii baa yidhi: “Anigu afar aqal baan kol qudha wada qaadi karaa, haddii weeye qof dumaroo wanaagsani igu rarto. Haddiise haweeyney xumi aqal qudha igu rarto, kolkaas anigu ma karo in aan qaado.”

Faraskii ayaa isna yidhi: “Anigu nin fuulliinka yaqaan baan qaadi karaa. Hayeeshee nin aan fuulliinka aqoonnin anigu ma qaadi karo.”

Dameerkiina wuxuu yidhi: ”Anigu nin fuulliin yaqaan iyo mid aan aqoonnin labadaba waan qaadi karaa oo mar uun baan biqleeyaa oo ninka hortayda ku tuuraa.”

Dr Georgi Kapchits