Bile Wuu Baqayay

Filed under: Sheekooyinka,Wararka |

Bile Wuu Baqayay

Waa Garoowe. Aroor Jimcaad weeye. Jawi wacan weeye oo nabad iyo barwaaqo lagu jiro. Waa xilli roobaad oo xoolihii dhaleen. Cad iyo caano ayaa kob kasta oo aad u dhaqaaqdo ku arkaysaa.

Giddi carruurtii yaryarayd dibedda ayay aqalladoodii uga soo baxeen oo u ciyaar doonteen, aan ka ahayn Bile. Waayo Bile wuu baqayay.

Kurayga carruurta ugu xoogga weyn buu ahaa. Dhammaantood wuu ka wada awood iyo lixaad roonaa oo feedh iyo harraati buu kala daali karay. Hayeeshee, taasi ma ahayn mid markaa madaxiisa ka guuxaysay. Waayo Bile wuu baqayay.

Kolkol waxay waalidkiisa iyo ehelkiisuba ka werweri jireen in gambadhka uu ku fadhiisto la jabo. Maxaa yeeley, hadba kolkuu yara kuurkuursadaba gambadhka sharqan baa ka yeedhi jirtey. Dharaartoo idil gambadhkaa ayuu ku dulfadhiyi jirey. Waayo Bile wuu baqayay.

Carruurta walaaladii ahaa iyo kuwa jaarka idilkood waxay ku jireen ciyaaro, ama ha noqoto kubbadda cagta, kubbadda koleyga, kubbadda laliska, iwm. Dhawaaqyadii diyaaradaha, gawaarida, iyo shimbirraha ayaa la maqlayay. Giddigood waxaa, isagu xiiso uma haynnin. Waayo Bile wuu baqayay.

Jimcihii xigey guulaamo roob iyo dabaylo is-wata ayaa magaaladii qabsaday. Reerka intiisii kale bannaanka ayaa la jirey. Bile keligii ayaa guriga joogay. Waayo Bile wuu baqayay.

Roobab iyo dabaylo is-wata ayaa saqafkii guriga la tegey. Bile gambadhkii uu ku fadhiyey ayuu si cidhiidhyoon u hoos galay oo dabadeed ku dhex xannibmey. Kolkay shanqadhii yaraatay, gambadhkii ayuu garanwaayay si uu uga baxo. Kacyay, fadhiisey oo galgalay oo gambadhkii waa ku dhegey oo ka baxsanwaa. Waayo Bile wuu baqayay.

Goor dambe oo uu reerkii guriga ku soo laabtay ayaa gambadhkii si silic leh looga fujiyey. Carruurtii walaalihii ahaa ayaa ka xumaaday waxa walaalkood ku dhacay oo ku yidhi, “Waannu ka xunnahay, walaal, waxa kugu dhacay. Haddaad ina raaci lahayd waxaa kuma qabsadeen”.

Dharaartaa iyo wixii ka dambeeyey, Bile dib dambe dibedda kama baqinnin oo jinkiisii iyo jaalkiisii ayuu la jaanqaadi jirey.

Gobaad Cumar Guuleed
Helsinki, 19.02.2023