Bullaale [Qaybta 2aad]

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Sheekooyinka,Wararka |

CBDSHKR QOOD

Bullaale [Qaybta 2aad]

Gabadha uu Bullaale soo dooney magaceedu waa Dhiimo. Waxaa lagu sammiyey Bulaale hooyadii oo inanta Eeddo u ah. Soo dhoweeyn heer sare ayaa Bullaale lagu Soo dhoweeyey. Is-afgarad kaddib, Bullaale inantii waa la siiyey. Waxaa halkaa ka dhacday xaflado waaweyn iyo damaashaadyo ay ilma adeertiis iyo ilma abtidiis boqollaal faras kaga qayb galeen. Suugaan badan oo ammaan iyo baaweyn heerkiisa qofeed ayaa halkaa laga tiriyey. Kolkii horeba calanka sharafta iyo maqaam sarreeynta lagu maammuusay bulshadaa u siddey. Durbaan garaaca arooskaasina wuxuu socdey muddo bilo ah.

Kol hadduu Bullaale guursaday, wuxuu ahaaday nin gooni u deggan oo qoys aan ka hanti iyo sumacad yareyn gurigii uu ka dhashay ee abbihiis yagleeley. Odaygii Bullaale dhalay waxaa u caddaatay in wiilkiisu imminka talaggal yahay. Sidaa darteed, wuxuu ka dhigtey gacanyare xagga talada ah iyo in arrimaha gaarka ah loo wakiisho.

Marar badan wuxuu saluugayay go’aan qaadashada aabbihii oo wuxuuba isku dayay inay tiisa noqoto. Taasuse waxay isa-seeg ku ahayd aragtida dhallinta waayo-aragnimadu ku gaabantahay iyo bisaylka odayaasha goxoshaaga ah. Kolka ay noqotay in waayo badni soo darbeeyeen, dhacdooyin arag iyo maqal ahi agahooda ka dheceen, wax badan u soo joogeen marar badanna ammuro yaab leh ku waaberiisteen, in badan u soo fadhiyeen oo arrin ku cusbiba yar tahay, runtu gondahooda timi, caadifaddu kaba guurtay damacna ka dhammaaday, ku soo ururtay abbaaridda danta fog iyo aayo-ka-talin si baac dheer looga fekero, wax badan oo ay geedaka talada soo fadhiyeen ka dhigtey hayin aan wax badan ka digiigixan oo gobo’da iyo meesha ay salka dhigan doonto sii fadhiya caadka iyo qubaarka qabka, kibirka iyo damaca, faanka iyo caradu garta ku rogaanna iyaga uga feydan tahay, isha ku haya halka lama huraanka ah oo aan laga maarmi doonnin, ayaan odayaasha abbaarta garqaadashada marnaba lagu gaadhayn.

Bullaale kuma joogin guurkii Dhiimo keliya ee wuxuu u gole fariisan jirey gabadhii ammaanteeda la soo wariyo. Wuxuu dhalay wiilal badan. Wax guyaal tagaanba Bullaale waxaa loo caleemasaaray taladii bulshadaas, kolkii aabbihiis tii Alle u timid. Bullaale wuxuu noqtay hoggaamiye taladiisa la mahadiyo, geesi xilli dagaalka loo aayo. Deeqsi xoolo gooye ah, iskuwade bulshadaas ka wada warqaba, tixgeliye odayaashii aabbihiis la soo shaqeeyn jirey intii ka sii noolayd iyo soosaare jiil cusub oo giraanta garta garab ugu ah.

Bullaale wuxuu noqtay nin aad u magac dheer, hanti badan tabcay, wiilaal badan oo hanaqaad ah dhalay, bulshada intooda u mudan iyo qoys kasta magac leh la xididey, gabar kasta oo dhaban quruxeed iyo haybad kale lagu sheego oo carradaa ku noolayd in badan oo ka mid ah la dadab galay.

Abtiyaashiis waxay ahaayeen qoys sumcad badan oo deegaan kale saldanaddoodu ka arrimiso. Bullaale sidaannu sheegney, wuxuu ahaa nin codkar ah oo oraahdiisa bulshadu isu tebiso. Waa nin gabayadiisu meel kasta gaareen. Si kale kuma garatide, waa nin wakhtigiisii, docdii laga eegaba, nin la dhinac dhigaa Carro Edeg lagu sheegiin.

Waayaha iyo maalmaha is daba marayay oo bilaha iyo sannadaha buuxinayay, waa cajiibee, Bullaale wuxuu soo koro oo geed ubax bixinaya la wada daawado ahaado oo hanaqaadnimadiisii aad loogu bogey, da’ dhexaadkiisiina ikhyaarnimo loo qiray, odaynimadiisiina sharaf iyo qaddarin aan is dhimin ku laastay, waa adduun iyo xaalkiise waxaa ku billowday foorar oo da’ baa ka dabo timid. Weynaanshahaasu iyo gabowguba kolba waxay la soo baxayeen xaqiiqooyin  aan daawo lahayn. Kolba firfircoonidii  in buu gabayay, sidii marba macaankii nolosha ini u dhadhan beelaysay. Arrin waxaa uga soo haray geedkii garta oo isagana in badan xanuun uga baaqdo. Araggii Bullaale ayaa soo koobmay. Waxaa ka sii horreeyey socodkii, ka gadaale maqalkii ayaa gabaabsi noqday.

Intaa wixii ka dambeeyey wuxuu noqday dhuldhac. Garashadii ayaa ka soo yaraatay. Ninkii geesiga ahaan jirey wuxuu gaaray heerkii sebiga in caanaha lagu siiyo, ’Dawaco yeeyan ku cunine cab caanaha!’

Bullaale wuxuu dib u cunay sumcaddiisi, waayo aadanuhu wuxuu ku qiimaysan yahay waxa kolkaa laga arkayo ama ka muuqada. In badan oo sharaftiisii hore ahaa waxaa il tirey handaaddaca waayeelnimada oo garashabbeelku sababay. Taariikhduna waxay xustaa kolkuu qofku geeriyoodo isagoo sharaftiisii huwan. Waa xaqiiq haddii uu mar hore dhiman lahaa inuu lahaan lahaa taariikh aan duugoobin. Imminkase maxaa laga taariikheeyaa, ‘waaba isagaa derbiyaalka ahe’.

Halkaa markay joogto, adduunku wuxuu inoo dhigayaa dersi ah xitaa haddii aadan dhiman adigoo nool ayaad qiimo beelaysaa. Waxaana taas si dhab ah u fahmay Nebi Muxamed (CSW) oo ka duceysan jirey inuu cimrigiisa xun oo asaasaqa ah. Wuxuu diiddanaa bulshadii uu sharafta ku dhex joogey inuu ku dhex joogo isagoo dadnimadii lumiyey.

Bullaale wuxuu is ogaa isagoo ah ninka bulshadiisa ugu sharafta badan. Ma ogaynse inuu noqday qofka ugu qaayaha daran. Eegga noloshiisu wax qiimo ah bulshadiisii uu hoggaamiyaha u ahaa kuma laha, aan dulsaar ka ahayn iyo inuu gaaray heer jiritaankiisii la kahdo.

Haybaddiisi talo dhiqiddiisi maal iyo xilihiisiba iyagoo heeggan u ah ayaa cimri ka dhigey mid aan intaaba shaqo ku lahayn. Inkastoo nafi ku jirto waxaa ka dhammaaday maalmihii iyo habbeennadii jiritaankiisa qofnimo dhammaystiran jiraalkeeda suraggelinayay.

Halkaa markay marayso Carabtu waxay tiraahdaa Adduniyaa haa kadaa.

Kol uu gabowga ka hadlayay gabyaa Muxumud Xaashi wuxuu yidhi:

”Kolkii horeba dhererkii miyaa, dhabarku soo gaabtay

Ma ka dhaxay dhawaaq uubatiyo, dheelmitaan gibin ah

Dhabbe reero qaadeen miyaa, laygu wada dhaafay

Ushoon dhaabto mooyee hubkii, mayska wada dhiibey

Raggaan dhalay ragguu dhalay miyaa, dhamamax ii diidey

Kuwii aniga ii dhaxay miyaa, dhimashaday dooni

’Dhuuniga i siiyaay!’ miyaan, sida dhallaan ooyey

Waxaan dhawrsanaa ceeb miyaa, igu dharaarowday.”

Sheekadu waa falkin aannu ku eegney adduunka iyo nolosha. Qof sare iyo mid hooseba isku si loo marayo oo caqli, awood iyo xoolo midna ayan kaa baajin karin. Gabow ama geeri mid kuu soo hormara oo derbi-jiifka iyo boqorkuba isku si u dhadhaminayaan,  kuna xiran intaad jirto uun. Halkaa markay joogto waxaa iska cad adduunka qofku inuu ku leeyahay maalmo tirsan oo si xawli ah kuu dhaafaya. Si aad ku madhaba,  noolow ama dhimo’e, qofnimadaadu tii burta oo macne beesha tahay.

Haddaba talada aan hayaa waxay tahay in toobada iyo daarta dambe aan ogaanno, halkaasaa waarid lagu sheegaye.

Cabdishakuur Cali Nuur

London, 01.02.2018

Dhammaad