Bullaale

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Sheekooyinka,Wararka |

CBDSHKR QOOD

Bullaale

Baaddiye ayuu Bullaale ku dhashay. Waxaa iska dhalay hooyo loo gaaday qof ahaanteeda oo qurux iyo dadnimo ka sokow qiimo farsamo oo ay belo ku qabtay lagu xushay. Qiimigaasoo ah sida loo darbo agabka aqal gobeed lagu sooho oo idil. Waxay gangaantay dhowr aqal oo la isla sheegey quruxdooda iyo waxa aqalladaa iyo dhiskooda dhex yaalla, warshadda soo saartayna tahay gacanteeda. Aqalka hooyadeedna shan rati ma qaadi kari jirin. Waxaa u dheeraa lexojeclada xoolaha iyo habsamida loo dhaqo, fahamka fayoobaanta iyo fayada xoolaha iyo bey’adda ku wacan baraarahooda. Waxay lahayd aftahannimo iyo hal abuur hiddo ah oo markii horeba hooyadeed lagu xushay. Intaa waxaa u dheer inay ka dhalatay qoys hoggaan abid u soo ahaa talada deegaammadooda laguna kuunyi jirey ceenad ka ahaansho xagga hantida ah iyo garsoor falid. Waxaana si guud loogu qirsanaa reer ku astaysan gobannimo ay u oggolaadeen bulshada deegaammadaa ku dhaqan iyo inta dheg ka maqashayba.

Sidoo kale Bullaale aabbihii wuxuu ka dhashay reer deegaan kale iyana intaa ka ah. Waaba iska caado dadka isku heerka ahi inay is xushaane. Bullaale aabbihii iyo hooyadii calafka ka sokow, waxa isku keeney waxay ahayd inay ahaayeen labo isu rarma ama isu dhigma dhan kasta. Geeddi, Bullaale aabbihii, waxaa u sii dheereeyd inuu markaa ahaa curadka talada qoyskooda dhaxal suge u ah.

Farxad iyo reynreyn labada qoys ee barwaaqoobey ubadkooda isugu dhiseen. Geeddi iyo Dhiimo waxay ku curteen wiilkooda Bullaale. Bullaale wuxuu ku dhex koray barwaaqo. Wuxuu garasho ahaan indhaha ku kala qaaday isaga oo dhexjooga hooyo bulshadu aad u jeceshahay. Abkeedna ammaan iyo sharaf lagaga taariikheeyo. Wuxuu ku garaadsaday aabbbe oo kolkaa talada geedka la wareegey, maaddaama awoowgiis geeriyooday, aadna loogu hanweynaa. Hadalladii u horreeyey oo Bullaale dhegihiisa soo gaaray waxay ahaayeen inuu sida aabbihii arrimin doono oo la wareegi doono haybaddaa aabbihiis iyo saldanadda qoyskaa.

Bullaale wuxuu indhaha ku kala qaaday wegen fardo ah, geel afar fadhi ah oo jabkiiba dhowr kadin yahay, Lo’ dhowr galal fadhida iyo ari ciiddaa ka badan.

Wuxuu dhex boodey bulsho jecel iyo barbaar ilma adeertiis, oo ilaalintiisa u heellan una ilaashanaya inuu yahay hoggaamiyaha berrito iyo curadka suldaankooda mustaqbalka noqon doona. Bullaale kibir iyo koolkoolin iyo in loola soo rooro wuxuu jantaba ayuu ku barbaaray Markiiba wuxuu dhexgalay xoolihii, wuxuu noqday fardafuul laga haray. Wuxuu la qabsaday ciyaaraha dhaqanka oo iyagana uu noqday nin ka sheegan.

Wuxuu noqday gabyaa suugaanta ku xarragooda. Wuxuu bartay nishaabta iyo dhammaan sida loogu dagaalamo hubka kala duwan sida hootada, eebada, warmaha, qaansada iyo ableyda. Taagtikada fardaha loogu dagaalamo ayuu aad u bartay. Legdinta wuxuu noqday nin aan dhiniciisa dhulka la dhiginnin.

Sidoo kale, Bullaale wuxuu garab fariisan jirey aabbihii kolka gartu taagan tahay iyo kolka odaygu la sheekeeysanayo gargeyrta da’da la soo godatay oo waayaha badan soo fadhidey waayo-aragnimana afkooda ka soo burqanayso. Maxaa ku kallifaya in uu taas sameeyo:

  1. Si uu u xambaaro taariikhda bulshada, una walwaasho waayo-aragnimada sida garta loo qaado iyo taariikhda dhacdooyinkii hore uu tusaale uga dhigan karo wacdaraha gareed ee ku soo fool leh xilligiisa;
  2. Si uu dhaleecooyinka uga dhiraandhiriyo gooyntiisa gareed;
  3. In uu barto xeerar horey u dhaqangalay oo bulshadaas lagu soo hagayay iyo xeerarka ay leeyihiin degaammada ay ood wadaagta yihiin.

Sidoo kale, Bullaale wuxuu noqday geesi hargaanti ah oo colalka hoggaamiya, abbaanduule qorshihiisa dagaal guul ka soo hoyiya. Deeqsi laysla sheegey ayuu Bullaale noqday. Wuxuu kaloo noqday nin xikmad badan oo haybad gole joognimo ku idishahay. Nin hal adayg iyo rag wad leh ayuu noqday. Intaa markii la shirrabay, bulshadii deegaanku waxay isla qaadeen Bullaale inuu yahay hoggaamiye dhab ah oo aan caad saarrayn mustaqbalkiisa hoggaamineed oo dhammaan si yaab badan ugu guuleeystey noocyadii barbaarineed iyo carbintii loo baahna ilaa mid kasta uu hormuud ku noqday. Taas waxay ku farxad gelisay dhammaan qoyska oo dhan. Bullaale wuxuu yeeshey magac dheeri hordhaceed isaga oo aan wali saldanaddii la wareegin. Taas waxay caddeyn u noqotay hanaqaadnimadiisa.

Bullaale mar hadduu noqday nin libin ka soo hoyey laylintii, imminka wuxuu soo gaaray wakhtigii uu nolosha toos u billaabi lahaa, reer gaar ahna u noqon lahaa, xoolo werwer kama qabo, aqalna hooyadii ayaa waa hore u diyaarisay.

Subax ayuu boqol faras la dhaqaaqay oo ay ku taagan yihiin dhammaan guurtidii tolkiisa ugu magaca iyo maamuuska dheeraa iyo boqol halaad oo baarqabkii ku jiro. Waxaa la soo gaaray deegaankii reer abtigiis, wuxuu doonayaa curadda abtigiis. Abtigiis deegaanka ayuu suldaan ka yahay kaddib kolkii Bullaale awowgii xagga hooyo geeriyooday ayaa abtigiis saldanadda loo doortay.

Waa socotaa …

Cabdishakuur Cali Nuur

London, 01.02.2018

One Response to Bullaale