Buuggayga Ma Akhriyo

Filed under: Aqoon-kororsi,Sheekooyinka,Wararka |

Cbdshkr Cali Nuur

Buuggayga Ma Akhriyo

Afo la oran jirey Marwo Filib ayaa odaygeeda, Mudane Filib, ahaa nin wax akhrinta habaar ku qaba. Ooridiisii ayaa jeclaysatay in uu waxna akhristo reerkana uusan illaawin oo wakhtigiisa wax ka siiyo. Kor iyo hoosba way ula hadashay, hayeeshee way ka caalwayday oo is-beddeliwaa.

Xaaskii markay aragtay Mudane Filib in wax-akhrintu belwad u noqotay, ayay go’aansatay in ay buug qorto si Mudane Filib u akhriyo.

Shan sannadood ayay buuggii la rafanaysay oo inta badan noloshooda ka hadlaya. Markii uu buuggii soo baxay ayay saygeedii koobbi u keentey, waxay ku eegeysey bal in uu xiiso geliyo.

Mudane Filib inta qodabbadii buugga isha mariyey ayuu isku laabay oo meel saaray, dib dambena uma eeginnin.

Afadii arrintaas aad bay uga xumaatay waxayna billowday in mar kasta uu baxayo buugga ay boorsadiisa u geliso, waliba lacag sii dhex-dhigto bal si ay u ogaato in uu akhriyey iyo in kale. Galab walba markuu aqalka ku soo laabto ayay eegtaa, mise waxay aragtaa in aan la kala furin.

Marwadii arrintaa way ka carootay, odaygeediina way dacweeysey. Kolkii maxkamaddii la tegey ayay dhibka jira sheegtey. Waxay ku doodday in saygeedu wakhti aanu siin, in wax akhrin uun uu ku mashquulsan yahay. In buuggii iyadu ay qortay aanu akhrinnin, sidaa darteed ay jeclaan lahayd in laga furo.

Mudane Filib wuxuu ku dooday in hadalka ooridiisu sheegtey uu run yahay oo wax akhrintu uu aad u jecelyahay. Wuxuuse intaa raaciyey: “Sababta aan buuggeeda u akhrin waayay waxaan ku saleeynayaa in uu dhammaantii ka hadlayo nolosha reerka oo ka soo billaabanta habeenkii u horreeyey ee aannu kulannay ilaa iyo imminka oo muddo 40 sannadood ah laga joogo. Marwadu waxay rabtaa in 40 sannadood ay dib ii celiso ama akhriyo nolol aan soo maray oo ah sida buuggeeda ugu xardhan.”

“Xaajiyadda mid u sheega, in buuggeeda aan anigu akhriyo maaha ee waa in dadyowga kale akhriyaan. Sidoo kale, waa in ooridaydu garataa in buuggeeda aanu Kitaabka Quduuska (Bible) ahayn oo u baahan in ruuxa Masiixiga ahi uu had iyo jeer joogto u akhriyo.”

“Waxaan marwadayda ka codsan lahaa in ay buug kale qorto, waayo waan ka raystay shantii sannadood oo ay qoridda buugga ku mashquulsanayd.”

Sidaa waxaa iila ekaaday sheekooyinka Soomaalida dhexdeeda ka jira oo sheeko-guri u badan oo caan noqday. Maarkaas ayaa la rabaa in maalin kasta laguu sheego.

Dhibku wuxuu yahay, xaafad xaafad kale sheekadeeda ma sheegto mana akhrido. Ma ku fiicnaan lahayd in xaafad kasta xaafadda kale ay waxeeda akhrido ama werido si sheekooyinku xiiso u yeeshaan oo wax kala dudduwan loo dhegeysto ama loo akhriyo.

Cabdishakuur Cali Nuur

London, 14.11.2017