Cashar Qiimo iyo Qaayo Badan

Filed under: Sheekooyinka,Wararka |

Lessons-learned

 

Cashar Qiimo iyo Qaayo Badan

 

Bishaydii labaad ee aan dhiganayay iskuulka kalkaaliyaha caafimaadka, macallinkayaga iskuulka ayaa imtixaan kedis qoraal gaaban ah naga qaaday. Waxaan ahaa arday dadaal badan oo waxbarashadiisa si wacan uga adag. Dhammaan weyddiimihii u horreyey waxay ahaayeen kuwo aad aniga iigu fudfududaa ilaa aan u imid su’aashii u dambeeysey oo caddiban iyo cakiran igu noqotay. Waxay u qornayd sidan soo socota: “Muxuu haweeneyda iskuulka xaadha magaceeda koowaad yahay?” Runtii dheygag iyo dhabannahays ayay igu noqotay. Waxaan is-weyddiiyey, miyuu macallinku idinku dheeldheelayaa mise su’aashu dhab bay ka tahay?

 

Dhowr jeeroo hore ayaan haweeneyda iskuulka nadiifisa ishaydu qabatay. Waxay ahayd marwo dheer, timo madow leh oo da’deedu dhowr iyo konton jir aan ku qiyaasay. Sidee ayaanse magaceeda ku ogaan karayaa? Warqaddaydii jawaabaha su’aalaha ku qornaa ayaan gudbiyey, anigoo ka tegey buuxinta qoraalcelinta weyddiintii u dambeeysey.

 

Ka hor inta aanay xisadda fasalku dhammaannin, ayaa arday ka mid ahaa ardaydii fasalka baraha su’aashii u dambeeysey weyddiiyey oo yidhi: “Macallin, ma suurtaggal baa in dhibcaha weyddiimaha imtixaanka qiimeeyntooda su’aasha u dambeeysa lagu darayo?”

 

“Dabcan, haa,” ayuu barihii yidhi. ”Mihnadda timaaddada aad ku shaqeeysan doontaan, waxaydin kula kulmi doontaan dad fara badan. Dhammaantood waa dad qiimo iyo qaayo leh, xataa haddii aad u dhoollacaddeeyso oo ‘iska warran!’ ku tidhaaho, wali fiiro iyo xannaano gaar ah ayay u qalmaan.

 

“Waligey casharkaa qiimaha iyo qaayaha badan ma illaabinnin. Sidoo kale, waxaan ka gadaale bartay in haweyneydaas magaceeda Gacalo la odhan jirey.”

 

Qoraaga: Summadlaawe

 

 

A Most Important Lesson

During my second month of nursing school, our professor gave us a pop quiz. I was a conscientious student and had breezed through the questions, until I read the last one: “What is the first name of the woman who cleans the school?” Surely, this was some kind of joke.

I had seen the cleaning woman several times. She was tall, dark-haired and in her 50s, but how would I know her name? I handed in my paper, leaving the last question blank.

Just before class ended, one student asked if the last question would count toward our quiz grade.

 

“Absolutely,” said the professor. “In your careers, you will meet many people. All are significant. They deserve your attention and care, even if all you do is smile and say ‘hello’.”

 

“I’ve never forgotten that lesson. I also learned her name was Gacalo.”
 

Anonymous

One Response to Cashar Qiimo iyo Qaayo Badan

  1. Pingback: Cashar Qiimo iyo Qaayo Badan - Daily Somalia Report