Cawil iyo Cawaale

Filed under: Aqoon-kororsi,Sheekooyinka,Wararka |

GOBAAD

Cawil iyo Cawaale

Laba nin oo xukuumadda xil weyn ka haya, iyagoo gawaadhidoodii Land Cruiser-yada ahaa kala wata ayay bartamaha magaalada iskaga horyimaadeen. Waddadu waa barbarka midig qabso (keep on the right hand side), hayeeshee shukaanta baabuurta (car steering) ay kaxeeynayaan waxay ku yaallaan barbarka midig. Waddadii ay ku joogeen ayay labada dhinaca ka kala istaageen, iyadoo matoorradii baabuurta u shidan yihiin. Ma jirto gawaadhi kale oo dhinacyadooda dhaafi karta. Saxmad darteed, buun (horn), qiic iyo sawaxan ayaa cirka isku shareerey.

“War Cawilow ii warran! Imminka ayaan shaalkan cusub ee aan xidhanahay $100 kala soo baxay,” – Cawaale ayaa rafiiqii u xogwarramay.

“Heedhe ma kuu dhab! Miyaanu midka garabkayga ka laadlaada kuu muuqannin? $200 ayaan dhowaan kala soo baxay,” – ayuu Cawil ku warceliyey.

Gobaad Cumar Guuleed

London, 03.04.2018