DABBAAL DAMEER LAGA KHATALAY [Sheekaxariirooyinka Soomaalida]

Filed under: Sheekooyinka,Wararka |

Xasan Yacquub Baabraqiis

Xasan Yacquub “Baabraqiis”

 

DABBAAL DAMEER LAGA KHATALAY

[Sheekaxariirooyinka Soomaalida]

 

Nin dabbaal ah oo laba dameer oo caata ah watay baa ka hor yimid nin dameer buuran wata. Wuxuu ku yidhi: “Labadaydu waa caatee, dameerkaagan buuran sidee baad ku cayilisey?”

Markaas buu isagoo dabbaalkii ku dheeldheelaya ku yidhi: “War labadaada dameer isku dar.”

“Sidee baan isugu daraa?” buu weyddiiyey.

“Farsamayaqaanka u gee oo waxaad ku tidhaahdaa, ‘labada dameer isugu kay dar!’”

 

Markaa buu u geeyey farsamayaqaankii oo ku yidhi: “Labadan dameer oo caatada ah isugu kay dar.”

“Oo immisaad i siinaysaa?”

“Laba boqol oo Shilin Soomaali ah baan ku siinayaa. Lix bilood kaddib baan kuu iman doonaa.”

 

Farsamayaqaankii baa labadii dameer oo caatada ahaa beer geeyey oo cayiliyey. Markii lix bilood la joogay baa dabbaalkii farsamayaqaankii u yimid.

 

”Labadii dameer ma isugu kay dartay?”

”Haa,” buu farsamayaqaankii yidhi, “Labadii boqol oo Sh.So. i sii.”

 

Markaas buu farsamayaqaankii labadii dameer oo cayilay buu mid ceshedey midkii kalena dabbaalkii siiyey, labadii boqolna waa uu ka qaatay.

 

Xasan Yacquub “Baabraqiis”