Dagaal Dhexmaray Aqoonta iyo Qabyaaladda

Filed under: Sheekooyinka,Wararka |

A Cali Nuur

 

Dagaal Dhexmaray Aqoonta iyo Qabyaaladda

Dagaal aad u culus oo hubka noocyadiisa kala duwan laysu adeegsaday, ayaa Soomaaliya ku dhexmaray aqoonta iyo qabyaaladda. Dhammaan goobihii laysku farasaaray waxay guushu raacday qabyaaladda.

Aqoonta oo inteeda badan adduunka ka talisa, qabiilkana waa hore soo afjartay, ayaa la yaab ku noqotay argaggixisada qabiil oo Soomaaliya la wareegtay.

Aqoontii adduunku waxay gashay shir degdeg ah oo albaabbadu u xiranyahay. Markii shirkii soo dhammaaday, waxaa saxaafadda la hadlay af-hayeenkii aqoonta.

Wada tashi dheer kaddib waxaa la isla qaatay laba qodob:

  1. In dagaalka aqoonta iyo qabyaaladdu ka dhexeeyey uu dhammaaday, qabyaaladdana waa hore adduunka laga tirtirey;
  2. In waxa Soomaaliya ku dagaalamay ayan ahayn aqoon iyo qabyaalad ee ay tahay qabyaalad iyo qabyaalad tuute aqooneed xirtey. Aqoonina waligeedba Soomaaliya gaarin ee qabyaaladda tuutaha aqooneed xidhatay ay adduunka khiyaantay.

Sidaa darteed waxaa la go’aamiyey in qabyaaladda la taageero inta la helayo aqoon sax ah.

A Ali Nor

 

One Response to Dagaal Dhexmaray Aqoonta iyo Qabyaaladda

  1. Pingback: Dagaal Dhexmaray Aqoonta iyo Qabyaaladda - Daily Somalia Report