Dagiiran iyo Bakayle [Sheekaxayawaannada Soomaalida]

Filed under: Sheekooyinka,Wararka |

Pheasants and Rabbits

Dagiiran iyo Bakayle [Sheekaxayawaannada Soomaalida]

 

Waxaa waa colloobay dagiiran iyo bakayle. Dhiilladiina dagaal baa ka kacay.

Maalintii dambe ayaa koox ballaaran oo bakayle ah, iyo goosan dagiiran ahi dagaal foodda isku diireen. Dagiirankii markuu ogaaday in laga fara badan yahay, ayuu cadowgii jar u maleegay.

Kooxo kooxo yaryar buu isu qaybiyey. Koox waliba intay ciidanka bakaylaha soo dulmarto, bay ku tidhaahdaa: “Dagiiran duullaan ah ma aragteen?”

Kolkii uu tirada is dib dhaafaya arkay, ayaa bakayle baqay. Abbaanduulihii markuu ogaaday in aanu ciidankiisa is haysan, buu ku yidhi: “Bakaylow, nin iyo bur!” Kolkii bakayle weedhaas maqlay, ayuu kala firxaday. Maalintaas dabadeedna isuma imannin. Baqdintii uu berigaas qaadayna, waa kan wali kala maqan, lana jarcaynaya.

Somali Textbook

David Zorc & Abdullahi Issa