Dawladnimadii Sida Ukunta Gorayada Gabaahiirta Lagu Curiyey

Filed under: Aqoon-kororsi,Sheekooyinka,Wararka |

A Cali Nuur

Dawladnimadii Sida Ukunta Gorayada Gabaahiirta Lagu Curiyey

Beri baa waxaa jirey nin waayeel ahaa oo ilko iyo gowsaba beeley. Waxaa oori u ahayd xaajiyad isaga duco-qabto markaa la ahayd.

Odaygu hilibka ayuu quutaa, mana karo, illayn gows laguma ogee. Afadiisu waa u calalisaa oo kolka ay dheecaanka ka shiiqsato ayay afka u gelgelisaa. Dabadeed hilibkii oo aan wax nacfi ah lagu ogeyn ayuu liqliqaa.

Maalintii dambe ayaa xaaskiisii, Shiiqsato, tii Alle u timi oo way xijaabatay.

Odaygii waa baroortay oo dhulka isla dhacay. Wuxuu ku calaacalay: “In aan ka hormaro ayay ahayd”. Dadkii ayaa weyddiiyey wuxuu sidaa ugu barooranayo. Wuxuu ku warceliyey: ”Wax aan cuni karo ma jirto. Yaa hilibka ii calalinaya?”

Maalintii dambe ayuu guursaday marwo kale. Wuxuu uga sheekeeyey sidii uu u noolaa. Afadii cusbayd waxay keentey tab cusub oo ah in ay odayga hillibka u tunto oo isagoo nacfigiisii leh siiso. Waa cusub ayaa saygii u baryay. Wuxuu heley cunto nafaqo leh. Ninkii duudduubnaan jirey bannaanka ayuu u soo boodey oo geedka talada yimi. La yaab ayay dhacdadu noqotay!

“War bal warran?” ayaa la weyddiiyey. Wuxuu yiri: “Shiiqsato Allaha cadaabo!”

Taasi waxaa la tusaale ah midda maanta ummadda Somaaliyeed haysata. Waxay xaqiiqadu tahay in dawladnimadii Somaaliyeed markii hore meel aan gaabbad siyaasadeed lahayn lagu curiyey. Maalintaa iyo wixii ka dambeeyey way ka sii daraysay, ilaa ay ugu dambeeyntii ku soo jeesatay shacabkeedii. Qabqablayaashii dagaalladana waxay dawladnimadii  gaadhsiiyeen meel xataa aan laga bakhti afuufi karin. Shacabkii Soomaaliyeed waxay tubtay oo ay kaga dhaqaaqday kob halis ah. Wuxuu rubuc qarni dhex sabbeeynayaa badweyntii ay ku fureen.

Shacabka Soomaaliyeed ma arag dawladnimo aan noocaa ahayn. Waxayna marayaan markii odayga marwadiisii Shiiqsato ka dhimatay. Waxayna ku jiraan baroortii ay Shiiqsato u barooranayeen.

Hadday heli lahaayeen dawlad Utunto oo kale ah waxaa hubaal ahaan lahayd in ay odhan lahaayeen, ”Waligeen dawlad maba aannu arag.

Cabdishakuur Cali Nuur

 

2 Responses to Dawladnimadii Sida Ukunta Gorayada Gabaahiirta Lagu Curiyey

  1. Pingback: Dawladnimadii Sida Ukunta Gorayada Gabaahiirta Lagu Curiyey - Daily Somalia Report

  2. Pingback: Ruksis780