Dhabcaal Dhukane

Filed under: Aqoon-kororsi,Sheekooyinka,Wararka |

GOBAAD

Dhabcaal Dhukane

Waxaa jiri jirey waa waayada ka mid ah nin laba boqol oo halaad lahaa. Xaas iyo carruur midna ma lahayn. Ma lahayn gacal iyo sokeeye. Inta badan cidna isma ayan arki jirinnin. Wuu ka fogaan jirey reerkii dagalka la soo dega. Looma soo martiyi jirin. Hadh iyo habeen xoolahaas ayuu la joogaa. Waa kol uu geela naq iyo biyo geeynayo iyo kol uu dugaagga duurjoogta ah ka ilaalinayo. Xerada uu hadba u deyro ayuu habeenkii hor seexdaa. Xoolaha ayaa cunto iyo cabbitaan u ahaa. Marmar xilliga Jiilaalka kolkuu dabjoogta ceel geeynayo, laga yaabee neef ama laba in uu qaydad maryo ah kaga soo beddesho.

Xoolihii waa u sii bateen. Sako iyo saddaqo midna kama bixiyo. Geddisley geela ka beecmushtarta ayaa kolkii muddo la joogaba u yimaada si ay qaalmaha uga iibsadaan. Hase ahaatee, ma oggoleen oo wuu diidi jirey. Waligii xoolo u leeyahay lacag kuma baayacin.

Kolkii la arkay ninkan dayacan oo duurka cidlada ah keligii deggan oo xoolaha badan haysta oo aan sokeeye iyo saaxiibbo midnaba lahayn ayaa duul shisheeye ah iyo duurjoog intaba hantidiisii soo damaaciyeen.

Muddo kaddib, habeen habeennada ka mid ah xeradii xooluhu ku xareeysnaayeen waxaa u soo dhacay libaaxyo dhowr ah. Geelii baa didey oo durduriyey oo isagoo hurda dulmaray. Halkii ayuu ku allaystay, geeliinna dugaag iyo dad kale u gacan galeen.

Gobaad Cumar Guuleed

London, 02.04.2018