Dhagar Dumar

Filed under: Aqoon-kororsi,Murtida Maanta,Wararka |

Dhagar Dumar

Dhagar Dumar

Waxaa la yidhi, nin baa beri socdaalay oo afadiisii reerka iyo aqalka uga tegey. Dabadeed intii uu maqnaa waxay ooridii la saaxiibtay oo gurigii ugu yeedhatay nin kale. Dhowr cisho kaddib waxaa safarkiisii ka soo noqday odaygii reerka. Wuxuu soo galay hoygiisii, si uu u nasto dhoofkiisii dheeraa kaddib.

Isla durbadiiba, marwadii waxay aragtay saaxiibkeed oo xaafaddii ku soo socda, siday ballantuba ahayd, kamana uu war hayo in saygii reerka uu aqalka ku dhex nasanayo. Afadii waxay damacday in ay saaxiibkeed u baaqdo oo ogeysiiso in arrintii isbeddeshey, isla markaana ayan sheekadoodu fashilminnin. Hayeeshee, way ku adkaatay siday rafiiqeeda ugu baaqi lahayd, iyada oo aanu saygeeda xogteeda u ogaan. Kolkii ninkii uu soo dhowaaday ayay ooridii kal iyo mooye soo qaadatay oo badar tumatay, oo ku heestey hees-hawleed.

Sheerku sheerkii waa yahay

Shalay laysu sheegey

Shaybkiise sheedda lahaa

Shiilaqaabta jiifa…”

 

Axmed Cartan Xaange

Laga xigtey: Sheekoxariirooyin Soomaaliyeed, Uppsala, Sweden, 1988

Sawirka gacanta: Eliza Pakki