Dhalyannimo Dhab Ah

Filed under: Aqoon-kororsi,Sheekooyinka,Wararka |

GOBAAD

Dhalyannimo Dhab Ah

Lammaane Ilma Abti isu ah oo is-qabay muddo 21 sannadood ah ayaa wax carruur ah isu dhali waayay. Cadaadis fara badan ayaa xagga ehelka iyo saaxiibbada kaga yimid. “Maxay u wada joogaan haddii ayan waxba isu dhalaynnin?” – canaantaa ayaa had iyo jeer dhegahooda ku soo dhacda.

Dabadeed labadii isku mehersanaa midkood ayaa cadhooday oo aqalkii dib ugu soo noqon waayay.

Gooray muddo 27 sannadood ah kala maqnaayeen oo midkoodna carruur heli waayay ayay dib isugu soo xiiseen oo mar labaad is-guursadeen.

Gobaad Cumar Guuleed

London, 25.03.2018