Dhaqanxumada Qurbajoogta Maryooleyda Qaarkood

Filed under: Articles,Wararka |

Dhaqanxumada Qurbajoogta Maryooleyda Qaarkood

  • Miyaad qurbaha ku aragtay dad isku dal, dir, diir, diin iyo dan ah oo iyagu isku duullaan ah oo is-dabarjaraya?
  • Miyaad qurbaha ku aragtay dad isku qowmiyad qurbajoog ah oo qoloqolo u kala qoqoban?
  • Miyaad qurbaha ku aragtay dad dalkoodii hooyo quwaaxsada?
  • Miyaad qurbaha ku aragtay ruux hadh iyo habeen ku hawlan dab-ka-hurinta iyo holac-ku-shididda dalkiisii hooyo?
  • Miyaad qurbaha ku aragtay waranle beesha waalli, iyo wax daran kula dhex wareega?
  • Miyaad qurbaha ku aragtay wadaad ku diinwaangashan in isaga iyo oridiisii ay kala noolyihiin?
  • Miyaad qurbaha ku aragtay shiikh shanta salaadood tukada misana shar, shuush iyo shirqool ku shaqeeysta?
  • Miyaad qurbaha ku aragtay dadkii oo firqooyin iyo faracyo ama jifi, jilib iyo jeesjees u kala qaybqaybsan oo bacaluullo baas ay hor boodaan?
  • Miyaad qurbaha ku aragtay qurbajoog dhaqankii bahalhiglada leh?
  • Miyaad qurbaha ku aragtay ruux aan xeer, xigaal iyo xaas midna xeerinnin oo xasarad-ku-nool ah?
  • Miyaad qurbaha ku aragtay xin, xirrib iyo xaasidnimo oo beesha dhex taalla?
  • Miyaad qurbaha ku aragtay xumaanta oo xoog loo tilmaamo, xalkeediise la xakameeyo?
  • Miyaad qurbaha ku aragtay runtii oo been ah, beentii oo run ah?
  • Miyaad qurbaha ku aragtay in been laysku dhoofiyo, dhiibo laguna dhaqmo?
  • Miyaad qurbaha ku aragtay ruux dhowr dal ka kala dhiiban oo dhowr magac ku kala dhiiban?
  • Miyaad qurbaha ku aragtay qof cararaya oo caafimaad qaba oo curyaannimo ku ceesha oo ku caanammaala?
  • Miyaad qurbaha ku aragtay qof aan dalkii uu martida ku ahaa ka muuqan kiisiina ka maqan oo aan wax micne leh ku fadhiyinnin?
  • Miyaad qurbaha ku aragtay waalidyo aan carruurtooda casharka iskuulka ka caawin karinnin?
  • Miyaad qurbaha ku aragtay odaygii qoyska oo goobta qaadka iyo fadhi-ku-dirirka ku jira oo aan warasadiisii war iyo wacaal ka haynnin?
  • Miyaad qurbaha ku aragtay furriinkii qoysaska oo fara batay?
  • Miyaad qurbaha ku aragtay qoys is-qaba misana kala qoran?
  • Miyaad qurbaha ku aragtay dumar diiday duqoodii oo duddo kale sii daawo leh?
  • Miyaad qurbaha ku aragtay say ka baxsaday siddeed uu dhalay iyo hooyadood oo tu sagaal carruur leh u baxsaday?
  • Miyaad qurbaha ku aragtay qoys aan qorshe ku shaqeeynnin?
  • Miyaad qurbaha ku aragtay is-afgaranshawaaga ka dhex taagan waalidka iyo warasadiisa?
  • Miyaad qurbaha ku aragtay isu-qabe aan looba qabinnin?
  • Miyaad qurbaha ku aragtay ruux weyn oo isu-qaba inuu qummanyahay oo qowlkiisa aan cidina qaban karinnin?
  • Miyaad qurbaha ku aragtay qolyaha adeegga bulshada oo tiro badan oo carruurtii qurbajoogta ah la wareegtey?
  • Miyaad qurbaha ku aragtay gurboodyadii oo jeelasha ka buuxa?
  • Miyaad qurbaha ku aragtay afkii hooyo oo aan la dhiiriggelinnin?
  • Miyaad qurbaha ku aragtay wareer, walaahow iyo walbahaar oo qurbajoogta wada saameeyey?

Maxamed Xasan “Alto”

xasan_maxamed@hotmail.com

London, 29.03.2010