Dhurwaa iyo Libaax

Filed under: Aqoon-kororsi,Sheekooyinka,Wararka |

GOBAAD

Dhurwaa iyo Libaax

Dhurwaa cararaya oo cagaha wax ka dayaya baa libaax ku soo baxay.

Kolkaa libaaxii ayaa yidhi: “War maxaad la cararaysaa?”

Waraabihii ayaa u jawaabay: “Rag baan arkay geel xabbadeeynaya oo reerihii lahaa ka dhacaya.”

“Maxaa adiga dabjoog la dhacayo kaa galay, ma geel baad tahay?” – ayuu aarkii weyddiiyey.

“Bal adigu orodoo u tag oo is-muujiyoo isu sheeg in aadan geel ahayne, tahay boqorkii duurjoogta.” – dhurwaagii ayaa aarkii kula taliyey.

Gobaad Cumar Guuleed

London, 04.04.20018

 

 

One Response to Dhurwaa iyo Libaax