DIIN DHAANSHAY [Sheekaxariirooyinka Soomaalida]

Filed under: Sheekooyinka,Wararka |

Xasan Yacquub Baabaraqiis

Xasan Yacquub ”Baabraqiis”

 

DIIN DHAANSHAY [Sheekaxariirooyinka Soomaalida]

Diin baa yidhi: ”Berrito, aniga ayaa reerka u dhaaminaya. Awrka ha la ii soo raro.”

Markaas baa ratigii loo soo raray oo hoggaankiisii loo dhiibey. Dabadeed waa uu kaxeeystey.

Saddex casho markuu sii maqanyahay ayaa sharqantiisii la maqlay. Kolkaas baa la yidhi, ”Diin, alleylehe, dhaankii keenyey!”

Wuxuu ku warceliyey, ”Waa anigii oo wali sii socda ee reerku ha i dhawro.”

Xasan Yacquub ”Baabraqiis”