Duddun iyo Aboor [Sheekaxariirrada Soomaalida]

Filed under: Aqoon-kororsi,Carruurta,Sheekooyinka,Wararka |

Xasan Yacquub

 

Duddun iyo Aboor [Sheekaxariirrada Soomaalida]

Oday baa carruur duddun hadhsanaysa u yimid.

Wuxuu ku yidhi: “Maandhooyinow, hal waa yaab, halna waa yaabka yaabkiisa, hal kalena waa amakaag iyo ashqaraar. Aboor baa duddun dhisey – waa yaab. Misna habeenkii buu dhisaa – waa yaabka yaabkiisa. Ka sii daranoo candhuufo ayuu ku dhisaa – waa amakaag iyo ashqaraar.”

Xasan Yacquub “Baabraqiis”