Geel Geel ah iyo Geel-Carruureed

Filed under: Aqoon-kororsi,Dawlad-Wanaagga,Sheekooyinka,Wararka |

A Cali Nuur

Geel Geel ah iyo Geel-Carruureed

Miyiga kolka la joogo xoolaha waxaa u sarreeya geela. Carruurtu waxay ku ciyaaraan dhagax ay qoraan oo geel u ekeeysiiyaan. Waxay u bixiyaan magacyada geeloodu leeyahay. Baarqabkuna waa ku jira. Carruurtuna waxay jilaan geeljiraha ama dadka waaweyn oo xoolaha dhaqaya.

Geel-carruureedku waa jilid magaca iyo muuqa kala mid ah geela dhabta ah, hayeeshee magaca mooyee nacfi iyo wixii geel lahaan jirey ma laha.

Haddaba dawladda Soomaaliya loo soo maammuulo oo loo soo dhoodhoobo waa sida geel-caruureedkaa, marka aad ka eegto waddammada kale oo dawlado nacfigii iyo wixii dawladi lahaan jirtey ama qaban jirtey leh.

Sidaa darteed, waxaan is-weddiiyaa, tolow dawladdeennu ma dawlad-carruureed baa?

A Ali Nor

One Response to Geel Geel ah iyo Geel-Carruureed

  1. Pingback: Geel Geel ah iyo Geel-Carruureed - Daily Somalia Report