Guddiga Sare ee Cayaaraha Puntland

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

 

 

GUDDIGA SARE EE CAYAARAHA PUNTLAND

                                                                     Warqad Furan (Open Letter)

 

Guddiga Sare ee Cayaaraha Puntland

 

Guddiga Sare ee Cayaaraha Puntland, wuxuu halkan ku xusayaa arrimaha ku saabsan lacagaha Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliyeed [XKCS] la siiyey shan iyo labaatankii sannadood ee la soo dhaafay.

 

USD300,000 ayay sannadkii FIFA bixin jirtey xilligii dawladdii dhexe ee xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre. Kolkii burburku dhacay FIFA waxay go’aansatay in caddadkaa lacageed badhkeed la siiyo, iyadoo ka baqday in lacagahaas hub la siisto. Arrintaasi waxay socotay ilaa iyo 2004tii, kolkii Guddoomiyihii hore ee XKCS Mudane Faarax Weheliye Caddow “Sindiko” iyo Sepp Blatter Guddoomiyihii xilligaas ee FIFA ay isku dhaceen. Waxaa Sindiko la ganaaxay muddo laba sannadood ah.

 

Dhacdadaas iyo isku-dhacaas, waxaa ka faa’ideeystey Mudane Cabdiqani Saciid Carab oo xilligaas ku magacownaa xoghayaha XKCS iyo xulafadiisa. Sepp Blatter ayay la xiriireen oo la socodsiiyeen in iyaguna, iyagoo sheeganaya in ay ku hadlayaan magaca Golaha Dhexe ee XKCS, ay siddeed sannadood Sindiko ganaaxeen. Sepp Blatter aad ayuu arrinkaas ugu farxay, wuxuuna dib ugu billaabay lacagihii uu horey ka jaray iyo waliba dheeri uu ugu sii daray. Waxaa muddo gaaban kaddib dib u heshiiyey Blatter iyo Sindiko. Lacagihiina waxaa la billaabay in toos Sindiko loogu shubo. Isugeeyn lacagtaas waxay gaadhaysaa ilaa iyo USD500,000 (shan boqol oo kun oo lacagta doolarka Maraykanka ah).

 

Eebbe haw naxariistee, wuxuu Mudane Faarax Weheliye Caddow “Sindiko” geeriyooday 2008dii. Waxaa marxuumka iyo Cabdiqani Saciid Carab lagu eedeeyey in lacagtaas 99% ay wada lunsadeen.

 

Ku darsoo, laga soo billaabo 2009–2015 waxaa magaca XKCS lagu qaatay USD3,500,000 (saddex malyan iyo shan boqol oo kun). Lacagtaasna waxay jeebkiisa gashay ninka imminka sheegta in uu yahay guddoomiyaha XKCS, Cabdiqani Saciid Carab.

 

Waxaa iyadana xusid mudan, lacagta la heley oo loo qoondeeyey dayactirka garoommada Muqdisho iyo gobollada Soomaaliyeed oo la sheegey in caddadkeedu gaarayo USD1,200,000-1,700,000 (malyan iyo laba boqol oo kun ilaa iyo malyan iyo tooddoba boqol oo kun oo lacagta Maraykanka ah).

 

Lacagtaas waxa qudha oo Puntland ka soo gaadhay waa kharash shan casho oo tabbabar Jabuuti ah oo dhallinyaro reer PL ah loogu qaaday.

 

Guddoomiya Guddigga Sare ee Cayaaraha Puntland

Mudane Cabdulqaadir Jaamac Jaraafe

Garoowe, 16.01.2016