Habowyow, Yaa/Maxaa Ku Haga? Qormada 6aad

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Wararka |

Habowyow, Yaa/Maxaa Ku Haga? Qormada 6aad

Sidee lagu heli karaa dowlad ay hoggaaminayaan dad leh karti Adeeg Qaran (AQ) daacadna ah?

Qormadii 5aad waxan guud ahaan ku faaqiday Maandayow iyo Adeeg Qaran (MIAQ). Waxan si faahfaahsan qormada 5aad ugu falanqeeyey; maqnaantii iyo marnaantii baahsaneyd ee laga mutay Adeeg Qaran. Ku hungowgii lagu hungoobay, hankii dowladnimada iyo ballanqaadyadii madaxdii dalka hoggaamintiisa isga dambeeysey.

Waxaan kaloo qormadii 5aad kaga hadlay, sheegashada ‘madaxda’ dalku sheegtaan, in ay keligood yihiin wakiillada dalka iyo dadka ee haysta kalsoonida, sharciyada awoodda dalka iyo hagiddiisa.

Isla qoraalkaas waxaan ku soo bandhigay halista ay dalka iyo dadka gayeysiiyeen ‘Madaxdu’, garan-waaga iyo mandayowgii ka dhashay hoggaankoodii.

Waxaan kaloo qormadaas ku muujiyey ilaha isdiidka Soomaaliya iyo qoqobyada cusub ee ‘madaxdu’ 1990kii kaddib abuurtay. Dulmarkan ku celiska ah (recap) ee qormadii 5aad intaas ayaan ku soo koobayaa, waxaana u gudbayaa qormada 6aad ee qoraalkan.

Hoggaamiye kasta oo doonaya, in uu qabto, xil adeeg qaran, wuxu u baahan yahay: Idmasho iyo fulin hawl uu sharci qeexey iyo awood (authorisation & implementation described by Law and Power) lagu fuliyo hawsha loo idmaday hoggaamiyeyaasha adeegga qaran. Idmashada iyo awoodda hawl fulin kasta, waa mid aan ka badnayn, inta sharcigu u qeexey, shaqo, meel, goor, iyo nuxrurba.

Idmashada hawsha iyo awoodda hawlfulintuba, waa labo aad isugu xiran. Sida dowlad iyo sharci ama sharici iyo dowlad isugu xiran yihiin. Idmashadu waxay leedahay heerar (sare, dhexe iyo hoose ama hoose, dhexe iyo sare. Idmashada iyo awooddu waxay leeyihiin ugu yaraan 6 kala duwanaansho:

  • Awood sida tan go’aan qaadashada (decision making authorisation & power);
  • Awood sida tan qodobbo sameeyn (agenda setting authorisation & power);
  • Awood sida tan feker xakameeynta (thought control authorisation & power);
  • Awood sida tan adag (hard power[1]);
  • Awood sida tan jilicsan (soft power[2]);
  • Awood habka cusub (smart power[3]);

Idmashada iyo awoodda waxaa gundhig u ah sharci dadweynaha lagu dhaqayo oggolaaday. Hoggaamin iyo adeeg kasta oo qaran, waa in ayna sina dibedda uga baxsanayn xuduudka sharcigu jeediyey.

Dhammaanteen waxan u baahannahay, nabadgelyo inoo suuraggelisa, inaan sidaan rabno u dhisanno nolosheenna oo ay saldhig u yihiin sharciga Ilaahay iyo xeerarkeenna, dhaqanka wanaagsan iyo kuwa aynnu la wadaagno ummadaha kale.

Adeege Qaran wuxuu u taaganyahay, lib-ka-keen hawshii loo idmaday adeegaha qaranka, daboolidda baahida dalka iyo dadka. Markaasuuna adeeguhu qaadan karaa derejo qaran lib-ku-geeraar ah.

Si adeegaha qaran u fuliyo hawlaha loo idmaday, waa in lagu qalabeeyo dhammaan awoodaha qaranka oo dhan. Saldhiggooduna noqdaa heerayn; meelayn iyo goorayn (maxay, xaggee, goorma?). Tusaale:

  1. Shacabka iyo taageeradiisa, hadba inta shaqadu u baahantahay sharciga dalkuna oggolyahay, in lagu meel mariyo adeegga qaranka;
  2. Awoodda dhaqaalaha iyo sii hormarintiisa;
  3. Cilmiga iyo teknoolojiyada adeegsigooda iyo sii ambaqaadkooda;
  4. Dhammaan ciidammada qalabka sida iyo shaqaalaha shibilka;
  5. Joqraafiga dalka – dhul, biyo, cir iyo khayraadka ku sugan oo an ka badnayn, intii an fulinta hawsha looga maarmi karin, iyadoo la raacayo wuxuu sharcigu jideyey.

Adeegsiga awoodaha aan kor ku qoray, waa in adeegaha qaranku ku xaqiijiyo 8 ka mid ah kuwa ugu mudan adeegyada qaranka, marka laga eego dhanka nabadgelyada muwaadinka:

  • Nabadgelyada guud
  • Nabadgelyada qofka
  • Nabadgelyada deegaanka
  • Nabadgelyada dhaqaalaha
  • Nabadgelyada caafimaadka
  • Nabadgelyada aqoonta
  • Nabadgelyada bulshada
  • Nabadgelyada siyaasadda

Haddaba, baahida dalka iyo dadka, shaqada adeegaha qaranka iyo wixii hawsha lagu fulin lahaa, ilaha ugu miisaan culus, waxaa ka mid ah, kuwa aan kor ku xusay. Si kale haddii aan u akhriyo, waxay noqon karaan: baahi qaran; shaqo qaran oo loo dhammeeystirey ciddii fulin lahayd iyo waxay ku fulin lahayd; dalag/wax-soo-saar, qaybin iyo hubin qaran. Hubinta qaranku, waa in ay noqoto mid ku salaysan qiyaas sharci le’egna adeegga qaranku u xilsaaray.

Haddaba qofka shaqo adeeg qaran heer kasta ha ahaatee soo doonta, waa in uu lahaado, diyaarsanaan: aqoon, xirfad, waaya-aragnimo, hufnaan, daacadnimo, karti u dhiganta fulinta iyo ka-jibakeenka adeegga qaran iyo fagaare tartan.

Heer xileedka loo fagaare tartamayo iyo waxtarnimada (personal resources) xil-doonku, waa in ay isu dheellitiranyihiin. Fagaare tartanku wuxu meesha ka saarayaa, in shaqada adeegga qaranka heer kasta ha ahaatee loo idmado qof aan mudnayn.

Fagaare tartan kasta, waa in lagu dul dhiso sharci iyo xeer fagaare-ku-tartanka u dagsan. Guul kasta, waa in ay lahaato muddo xileed, meel hawl goor fulin, waajib fulin loo idmaday, fagaare ku tartamaha guulaystay, isla markaasna, waa in ay jirto hubin le’eg mudda xileedka, kuna kooban xil fulinta. Hubinta waa in loo maro dowga sharcigu banneeynayo.

Adeeg qaran habkasta sida:(4.5), degaan/beel, codeeyn wakiillo dadweyne, ama codeeyn dadweyne oo toos ah, waa in xil idmashadu heer kasta isu badasho, lagu bixiyo laguna qaato, fagaare tartan daahfuran, loo simanyahay. Miisaanka fagaare-ku-tartanku, waa in uu ka caagganyahay iilasho, siday rabto ha ku timaadee. Xeerbeegti iyo  guddi hubin karta, waa in ay kala madaxbannaadaan, si loo dhawro sarreeynta sharciga.

Haddii, nuxrurka fagaare-ku-tartanku noqdo, yaa ugu dhibco badnaaday tartamayaasha, xeerbeegta, dhanka hubinta iyo daawadayaashuna ma dhaafaan isku raacaan, shaqadu waxay helaysaa, qofkii ugu habboonaa oo fagaare-ku-tartankaas guushu ku raacday.

Dalka iyo dadku waxay helayaan, adeege hawsha loo idmaday fulin kara. Bulshadu waxay helaysaa kalsooni, iyo in qof walba fagaare-ku-tartan xaqiisa ku raadsado. Dowladdu waxay helaysaa kalsooni iyo dhiirraggelin. Sharcigu wuxuu noqonayaa mid nool oo shaqeeynaya lana xurmeeyo. Kulligeenna waxaan noqon karnaa dad wada guulaystay. Ummad wax wada leh, wada shaqaysa heshiisna ku ah khayr oo dhan.

Baahi bulsho, xulasho adeege qaran heer walba, idmasho xil fulin ma dhaafanka fagaare-ku-tartamayaasha, xooleeynta hawlfulinta adeegga qaran, fulinta xil hawleedka adeegga qaran iyo hubinta heer walba, waxay dhisi kartaa kalsooni weyn oo suuraggelin karta, in an yareeyno ama iska saarno istuhunka maskaxda inooga gaamuray iyo kala irdhowga cabsida inagu riday!

Intaa kaddib, aan billaabo booqasho – dib /gadaal-u-eeg kooban lana xiriira qul-qulkii/taxanihii dowladnimada Soomaaliya, muddaday Soomaaliya xorriyadda haysatay.

Boqshadayda qormadaani, waxay ku koobnaan doontaa shan doorasho iyo hal afti dadweyne oo Soomaaliya ka qabsoomay 1956, 1959. 1960, 1961, 1964 iyo 1969. Si aan wax uga baranno wixii saadufo*[4] tagay.

Soomaaliya, waxaa xil madaxweyne ka soo qabtay 9 madaxweyne*[5] oo uu ku jiro kan muddo xileedkiisu yahay 2017-2021 iyo 4 siihaye xil madaxweyne.

Madaxdan gooreeynta xilhayntooda iyo habkooda, waxaan u qaybiyey 7 waa iyo 7 hab dhaqan siyaasadeed. Qormadan waxan ku eegi doonaa, kaliya waaga iyo hab dhaqan siyaadadeedkii 1aad.

Ujeeddada waayeeyntu/gooreeyntu waa, in an raadinno, helno, waa walba maxaa soo kordhay – dhib iyo dheef? Maxay madaxdu qabteen oo la sii ambaqaadi karaa? Maxaa ka khaldamay oo sixid u baahan?

Maxaa u suuroggeli waayay oo wax laga baran karaa? Iyo horjoogsiyadii dhaafiwaaga ahaa, sidee waddada looga nadiifin karaa horrayna dhanka wanaagsan loogu sii socon karaa?

Waxaa wax weyn ah, in aan maskaxda ku haynno, in maanta waxa aynnu haynno yihiin mirihii shalay, berritona maanta billaabanayso ee ayan berri billaabanayn. Si aan khaladyadaa shalay wax uga baranno, maantana dayowgii shalay dhacay aan lagu celinnin, berrina u guranno dalag wacan oo ah kaynnu maanta beeraynno, aan ka wada shaqeeynno haggaajinta guriga Soomaaliyeed ee Soomaaliya.

Horjoogsiga iyo dhaafiwaagu, waa kuwo u baahan, in mid kasta keligiis, si gaar ah loogu dhabbaggalo, lana siiyo mudnaantiisa, si loo helo jawaabo ina qanciya.

Aan ku billaabo toddoba waa iyo toddobo hab dhaqan siyaasadeed ee ina soo maray.

Maxaynnu uga baahannahay, in aan is dultaagno 7 waa iyo 7 hab dhaqan siyaasadeed? Ugu horreeyn, waxaan ugu baahannahay, in u fiirsi wax ka dhumin waxna ka dhuuman annu ku sameeyno adeeggii qaranka, kaddib waxaan ogaan karnaa, maxaa u hirgalay maxaase ka qabyoobay madaxdii 7 waa iyo 7 hab dhaqan siyaasadeed?

Siday ila tahay, waxaan heli karnaa, wax badan oo inoo bidhaamiya, hoggaamiye sax ah; maandayowgu halkuu ka yimid iyo dawo waxa u noqon kara laftiisa.

Waxay kaloo inoo bidhaamin karaan, haddii eelku ka yimid: habka; laamaha dowladda iyo/ama qayb (o) hawl fulin cilladoobeen. Cilladdu waxay noqon karto, sida cillad: (qaybta hoggaanka siyaasaddaa; qaybta fulinta, qaybta ilaalinta; habka siyaasadda iyo culaysyo kale). Waxaan ujeedaa, sida lagu heli karo, dowlad ay hoggaaminayaan, dad leh karti adeeg qaran iyo hufnaan. Waa in aynnu dib ugu noqonno, dhacdooyinkii tagay/saadufay, helnana halkay wax ka murgeen.

Haddii, aynnu u gudubno 7 waa iyo 7 hab dhaqan siyaaseed ee ay ku suntantay dowladnimada, Soomaaliya iyo hab dhaqankeeda siyaasad, hoggaamin, maammulid iyo ilaalin waxay kala ahaayeen sida hoos ku qoran:

     
 L  Gooreeyn (relatively) Hab dhaqanka siyaasadeed (relatively)
1 Waagii 1960-1969 Demuqraadiyadda iyo Hantigoosiga
2 Waagii 1969-1976 Xukunka Ciidammada (Golihii Sare ee Kacaanka)
3 Waagii 1976-1991 Xukunka Xisbiga keliya (XHKS)
4 Waagii 1991-2000 Ayna jirin dowlad dhexe ee Soomaaliya
5 Waagii 2000-2004 Dowladda kumeelgaarka Soomaaliya
6 Waagii 2004-2012 Dowladda Federaalka ku meelgaarka Soomaaliya
7 Waaga 2012- Dowladda Federaalka Soomaaliya

[6] Some source: http://africanelections.tripod.com/so.html#1956_Legislative_Assembly_Election, 29/8/2017, 18:39.

Toddobadan Waa iyo hab dhaqan siyaasadeedkooda, mid kasta oo ka mid ah, wuxu lahaa waxyaalo u gaar ah oo uu uga dawanaa kuwa kale, rajooyin iyo mudasho la mahadiyey ama aan la mahadinna waa lahaayeen.

Sida mideeyntii iyo yagleelkii Jamhuriyaddii Soomaaliya iyo difaaceedii. Gacansiintii Somaalidii ku hartay gacmaha gumaysiga. Qoristii Afka Soomaaliga dhammaantood waxay ahaayeen guulo la gaaray.

Ka-soo-horjeedkoodu/Cagsigoodu wuxuu ahaa: jabhadihii dumiyey Soomaaliya iyo Maammul Goboleedyada dalka lagu kala googgooynayo (Qalab Qaranka Soomaaliyeed lagu kala dirayo (the Tools of National Dissolution) oo uu hagayo cadowga Soomaaliyeed, sida maan dayow.

Waagii 1960-1969 iyo hab dhaqankiisii siyaasadeed

Waxay ku suntanyihiin, waagii dabaylaha xorriyadda iyo saxansaxada gobannimo; gumeysi iska kicis, calansaar, dowlad dhis iyo rajooyin waaweyn.

Waxa ka mid ahaa rajoojyinka waaweynaa, xorreeyn iyo mideeyn SOOMAALI WEYN, horumarin QARAN, gaarid barwaaqosooran looga boxo cabsida iyo mucurtada bulshada haysay cidina ayan dibedjoog ka ahayn.

Raggii dareenka bulshada ku gudbin jirey sugaantoodii, kuwo ka mid ah erayadii dareen gudbiska weyn oo raagay yeeshay, waxaa curiyey Halgamaa abwaan Cabdillaahi Suldaan Timacadde. Waxaana ka mid ahaa tuducaan:

(… Saddex wiig iyo maalmo

haddaan soor cuni waayo

safrad laygama yaabo

sari mayso naftayduye

saaxirkii kala guurraye

sarreeyow ma nusqaamow

aan siduu yahay eego’e

kaana siib kanna saar[7] …)

1960kii faraxa, hanka iyo rajada weyn Soomaaliya keliya kuma koobnayn ee waxay la wadaagtay Qaaradda Afrikoo dhan, waayo? Waxaa xorroobay dalal badan oo Afrikaan ah. Kuwa kalena way holinayeen. Xigasha hoos ku qorana waxay muujinaysaa, wixii waagaas ka jiray Soomaaliya iyo Afrika guud ahaan..

(Somalia was then [in the 1960s] one of the great hopes in Africa; of course, then there was tremendous optimism about Africa as a whole. There had been the great wave of African independence in 1960[8]).

Xorriyaddu waxay u taagnayd la soo noqoshadii ismaammuliddii ummadnino dal, dad iyo furihihii dhisid qaran Soomaaliyeed oo suuraggeliya aayo la mahadiyo iyo ka dhabeeyn hanka iyo filashadii bulshadii soo halgantay iyo mideeyn SOOMAALI WEYN.

Waagan ma badnayn, aqoonta loo lahaa dhisid dowladnimo. Ma badnayn hanti dowladnimada lagu xooleeyo. Aqoonta, ciidammada, diplomaasiydda, ganacsiga iwm, lagu gaamuriyo. Laakiin waxaa badnaa niyadsamida bulshada iyo is-aamminka Soomaalinnimada ku salaysnaa.

Bulshadu kuma baraarugsanayn, in guushii laga gaaray, halgankii madaxbannaanida siyaasadeed ayna ku filnayn, in la helo barwaaqo hortaa ka gala. Dadweynuhu kuma baraarugsanayn, in dowladnimadu ay ahayd ban ka beeg/yagleel iyo dawladda lafteedu, in ay dadweynaha tahay.

Dadweynuhu kuma baraarugsanayn, in halgankoodii madaxbannaanida siyaasadeed ay u beddelaan DHIS dowladnimo. Dadweynuhu kuma baraarugsanayn in ay ahayd, in aan loo kala harin, DHIS dowlad gayeysiin kartay adeeg baahitir qaran heer walba.

1960kii kaddib waxaa shiiqey, shaqadii loo dhammaa, waagii xorriyad-doonaka. Isku halayskii – dowlad iyo madax, wuxuu ahaa ilduuf weyn oo ka yimid waaya-aragnimo la’aan dowladnimo waxay tahay an la aqoon. Sidoo kale, waxa jirey moogaan culaysyadii, dagaalkii qaboobaa, siyaasaddii Afrika ee xudduudaha iyo cadaawaddii ina kala dhexeeysey darisyadeenna.

Ilduufkaani, wuxuu billow u noqday, qawadkii dadwenuhu dowladda ka qawaday iyo hungowgii weynaa ee sahlay, in ciidammadu boobaan taladii dalka beddelaanna habkii dhaqan siyaasadeed ee doorashada ku dhisnaa kuna beddelaan mid ugub ah (Kacaan iyo Hantiwadaag) shisheeye cusub macallin ka yahay Midowgii Soofiyeeti.

Baahida oo badnayd iyo haynta oo yarayd darteed, xorriyaddii kaddib, durba waxaa billowday, sadbursi, istuhun, qoonsi, qabyaalad iyo qawad baahsan. Waxaa billowday, in dad badan ku soo qamaamaan kursiga siyaadda oo xisbiyo badan la furto. Siday ila tahay,waxay ahayd maandayow billowgiisii.

Si loo helo waddo lagu tago kuraasta baarlamaanka, dowladda, xukuumadda, waxa la furay xisbiyo iyo ururrada bulshada. Magacyada xisbiyada iyo ururrada la furay, waxay ahaayeen kuwo si walba u maran. Qabyaaladna u ahayd matoorka iyo shiidaalka ay ku socdeen kuna shaqeeynayeen.

Xafiisyada dowladdu waxay noqdeen isha nolosha: dhaqaale iyo awood wax lagu kasbado. 1969 SYL iyo SNL waxay noqdeen kuwo lumiyey kalsoonidii ay haysteen 1960 iyo ka horba.

1962 haddii uu fashilmay iskudaygii afgembigii saraakiil ciidan, 1969kii dilkii madaxweynihii la soo doortay ee dalka iyo afgembigii dowladdii rayadka ahayd ma fashilmin ee waa fuleen!

Dilka madaxweynhii dalka la diley, wuxuu muujinayaa, in wax badan khaldameen, in lagu hungoobay rajadii weynayd. Barwaaqasoorankii xorriyadda kaddib la filanayay iyo mideeyntii SOOMAALI WEYN ma hirgelin.

Si aynnu runta arrinkan u hubinno, aynnu soo xigganno weelayska dhacdooyinkii saadufay, qaadannana halbeeg  kalsoonida shacabka lagu dhudhumiyo CODEEYN ee qabsoomay sannadihii: 1956, 1959, 1960, 1961, 1964 iyo 1969.

Shanta codeeyn doorasho iyo halka afti dastuur dhammaantood, waxaan ku falanqeeyn doonaa, Qormada 7aad. La soco qormada 7aad, Inshaa Allaah!

Qore: Cumar Cabdi Barre

 

[1] Joseph S. Nye Jr: The Future of Power, public Affairs New York, 2011, pp . 25-49

[2] Andrew Heywood: Essential of UK politics 4th edition, Palgrave,2017, pp.1-22

[3][3] Joseph S. Nye Jr: The Future of Power, public Affairs New York,2011, pp ix-xviii, 3-24, 207-234

[4]*… saban hore wixii saadufoo tay, waxa soo socdiyo, saaka waxa jooga, sadexdaas baa xaal adduun lagu sifeeyaaye …

[5] * qormadii 5 aad waxaan ku qoray 8 madaxweyne, qormadana 6 aadna 9 madaxweyne, 5 aad waxaan qoray 2015 markaasna 8 madax weyne ayaa xaafiiska soo qabtay, qormadan 6 aadn waxaan qoray 2017, waxaana xafiiska jooga madaxweynihii 9 aad, sidaas bay 8 iyo 9 sax ku wada yihiin.

[6] http://adst.org/2015/06/somalia-from-great-hope-to-failed-state/ 28/8/2017, 18:22

[7] https://jidhidhico.wordpress.com/2008/04/04/kaana-siib-kanna-saar/ 28/8/2017, 20:05

[8] http://adst.org/2015/06/somalia-from-great-hope-to-failed-state/  28/8/2017, 21:37